Hangoolnews.com
Dawladda Somalia Oo Si Xaasidnimo Ka Muuqato Uga Hadashay Heshiiska Maalgashiga Dekedda Berbera.
August 12, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:–Nuur Faarax Jimcaale  oo ah hantidhawraha guud ee dawladda Xasan Sheekh Maxamuud ee dalkaas Somalia ayaa sheegay inuu ogyahay xogo muhiim ah oo ku saabsan heshiiska DP World iyo xukuumadda Somaliland dhex maray ee lagu maalgalinyao dekedda qadiimiga ah ee Berbera, waxaana uu sheegay in xogahaas uu hayaa ay tibaaxayaan inay Somaliland tahay kuwa lagu dulmay heshiiska.

DBP

Hantidhawraha guud ee dawladda Somalia inkastoo uu si indho la’aan ah uga hadlay awoodda uu u leeyahay inuu baadhis iyo dabagal ku sameeyo heshiiska dekedda Berbera ayaa hadana waxa uu xaqiijiyey inuu la xidhiidhay sherkadda maalgalinaysa dekedda Berbera ee DP World waxaana uu sheegay inay sherkaddu u xaqiijisay inay Somaliland faa’iidada heshiiskan ka helayso kaliya 10% taasoo aad uga yar waxay xukuumaddu soo bandhigtay.

Faarax Nuur Jimcaale oo arrinkaas ka hadlaya ayaa soo qaatay qodobo uu sheegay inay dawladiisu u cuskato maalgalinta dalka Somalia oo uu sheegay inay Somaliland dabaqayaan waa sida uu hadalka u dhigaye, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

 “Heshiiskani ma waafqsana shuruucdii u degsanaa qaranka soomaaliyeed, wuxuu ka hor imanaya shuruucda dhaqan dhaqaale ee u dejisanaa umadda Somaliyeed, waxaa kale oo uu ka hor imanayaa danta umadda aniguna waxaan halkan u joogaa ilaalinta hantida umadda, heshiiskan waxaa la leeyahay boqolkiiba toban 10%  ayay umaddu ka faa’iidaysaa, boqolkiiba sagaashana 90% waxaa qaadanaysa hay’ad DP World oo kale, macluumaadkaasna waxaan ka helay oo aan la xidhiidhay DP World xog dhab ah oo xaqiiq ku fadhida ayaan haysataa (oo sheegaysa inay Somaliland faa’iidada ugu yar ka helayso Heshiiska DP World)”.

Faarax Nuur Jimaacle ayaa hadalkiisu u muuqdaa mid xasad ku ah horumarka Somaliland isagoo sida uu waraysigan oo uu siiyey idaacadda VOA qaybtiisa dambe ku sheegay inuu awood leeyahay ka war haynta iyo fatashaadda heshiisyada Somaliland lagu galo taasoo been qaawan ah, waxaana xusid mudan in masuulkan Somalia ka tirsani ka soo jeedo gobolka Saaxil.

Source Somalilandtoday

COMMENTS
Latest News