Hangoolnews.com
Xildhibaanada Muxaafidka ah ee Golaha Wakiilada oo Diiday Wax Ka Bedelkii Madaxwaynuhu Ku Sameeyey Xeerka Diiwaangalinta Codbixiyayaasha.
April 4, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:— Xildhibaanada Muxaafidka ah ee ku abtirsada xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisa ayaa hor istaagay wax ka bedel uu Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ku sameeyey xeerka diiwaangalinta codbixiyayaasha.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa abaaraha jira awgeed u joojiyey diiwaangalintii codbixiyayaasha muddo bil ah waxaana uu komishanka ka codsaday in diiwaangalinta lagu dhameeyo muddo lix bilood gudaheed ah halka xeerka doorashooyinka ee golaha wakiilady hore u ansixiyeena uu dhigayo in diiwaangalinta Codbixiyaha la dhameeyo lix bilood ka hor maalinta doorashada.

Xildhibaanada Muxaafidka ah ayaa la sheegay inay arrintaasi diidmo kaga jawaabeen, isla markaana hor taagan yihiin in la ansixiyo soo jeedinta Madaxwaynaha iyagoo ku adkaysanaya inuu Madaxwaynuhu xeerka sidii hore u daayo oo diiwaangalinta la dhameeyo lix bilood ka hor maalinta doorashooyinka.

Geesta kale Xildhibaanada Mucaaridka ah ayaa ay wararku sheegayaan inaanay wax sas ah ka mujin wax ka bedelka uu Madaxwaynuhu ku sameeyey hanaanka diiwaangalinta codbixiyayaasha.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday

COMMENTS
Latest News