Hangoolnews.com
Xaqiiq: Yaya Toure Oo Macsalaameyn Doona Kooxdiisa Manchester City Kadib Dhamaadka XIli CIyaareedkaan
April 4, 2016 - Written by Hangool News

Manchester City ayaa waayi doonta xidigeeda khadka dhexe ee Yaya Toure xagaagaan sidaasi waxaa xaqiijiyay wakiilka xidigaan oo lagu magacaabo Dimitri Seluk.

Khadka dhexe dhexe ee Ivory Coast ayaa qandaraaskiisa garoonka Etihad Stadium uu dhamaanayaa dhamaadka xili ciyaareedka danbe laakin xidiga ayaan u muuqan mid kooxda kala sii shaqeyn doono macalin Pep Guardiola oo hore uga diray kooxda Barcelona waqtigii ay wada joogeen wuxuuna maanta saxaafad au sheegay wakiilkiisa “Waxaa hubaal ah inuu ka tagi doono Manchester City, waxaan si degan ku xaqiijin karaa arintaas”.

Seluk ayaa intaa ku daray “Waxan ilaa haatan helnay dhowr dalab, Yaya ayaa qiimeyn doona dhamaan dalabyadiisa, laakin ma jiro wax go’aan ah oo wali la gaaray” sida uu u sheegay FC Inter News.

Yaya-Toure-451x300

Dhanka kale Seluk ayaa sheegay in u dhaqaaqitaanka xiga ee Toure ay sabab u noqon karin lacag laakin wuxuu sidoo kale sheegay in la midoobitaanka maclainkiisi hore ee City coach ee Roberto Mancini iney suurogal tahay wuxuuna yiri “Miyeey saameyn ku yeelaan doontaa arimo dhaqaale ? Gabi ahaanba maya, lacagta kama hormarineeno wax waliba, mashruuc dagan ayaa ah waxa na qancin kara, Inter miyuu ku biiri doonaa ? Waxaan ka hadleenaa koox weyn oo leh mashruuc dagan cid walibana wey ogtahay xiriirka ka dhexeeya Yaya iyo Mancini, laakin sida aan hore u sheegay wali

COMMENTS
Latest News