Hangoolnews.com
Waftigii Ka Yimi Dalka Somaliya Oo Hal Milyan Oo Dollar Ku Wareejiyey Gudiga Heer Qaran Ee Abaaraha Somaliland
April 4, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:—Waftigii ka socday dalka Somaliya ee maalintii shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa ayaa waxa ay si rasmi ah ugu werejiyeen gudiga heer qara ee abaaraha lacag dhan Hal milyan oo doollarka maraykan ah,

Deeqdan ay ugu talo galeen dadka Soomaliyeed ee ku dhaqan Koofurta dalkaasi ayaa waxa ka warbixiyey gurmadkan ay la soo gaadhee walaalahooda Soomaliyeed ee ay abaaruhu waxyeeleeyeen Gudoomiyaha Rugta ganacsiga dalka Somaliya oo qayb ka ah waftiga waxaanu yidhi.

Jeega Lacagta halka Milyan

Jeega Lacagta halka Milyan

“Wixii aan sidnay inay caawa jeebkayaga ku baryaan way noo dhadhami wayday,waxay nala noqotay in habeenimo nalaga wareejiyo isla bari wixii lagu qaban karayo lagu qabto,annaga oo ka wakiil ah xukuumaddii Somaliya,shacabka Somalia,ururada bulshada iyo umaddeena oo isku dhan inaan ku wareejinayo madaxwayne ku xigeenka Somaliland iyo wasiiradiisa oo isku dhan”ayuu yidhi guddoomiyaha rugta ganacsiga Somalia.”

Dhinaca kale Gudoomiyaha Bulshada Dalka Somalia Maxamed Xassan Xaad ayaa sheegay in ay qaadhaankan lacageed ee dhan Halka milyan ee Doolar ugu deeqeen walaalahood dhibaataysan isaga oo aromahaasi ka hadlaya waxa ka ka mid ahaa hadaladiisii.

“Waa hal milyan oo dollarka Maraykanka ah,illaahay ayaa qaadi kara culuska,intaa yari waa hor dhac,waa dhiig joojin,waxaan rajayn doonaa isha allah inaanu socodka iyo gurmadku intan noqon,waxaanan hilmaamayn annaga laftayadu barigii naloo soo gurmaday iyo sidaanu u taag darnayn iyo meesha ay naga maraysay,guushaasi oo kayd idiin ah oo annagana meel noo taalla oo aan maskaxdaydayada marnaba ka go’ayn”ayuu yidhi Oday Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah duqayda ugu culus dalka Somalia.”

Gudoonka Lacagta Xamar ka timi

Gudoonka Lacagta Xamar ka timi

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Isaga waxa halkaasi ka hadlay Madaxwayne ku xigeenka ahna gudoomiyaha gudiga gurmadka abaaraha ee Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaaciil Saylici kaasi oo su mahadnaqay waftiga ka yimi dalka Somaliya ee gar gaarka la soo gaadhay walaalahooda dhibaataysan madaxwayne kuxigeenka Somaliland oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.

Aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa,sharaf ayay noo tahay,annagana waxaan doonaynaa inaad naga gaadhsiisaan waad mahadsantihiin,mudada aad joogtaanna  waxaad nala arki doontaan culaysku intuu leegaa iyo abaaruhu saamaynta ay lahaayeen,dhinac galbeedku ha ugu badnaadeen”ayuu yidhi Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.”

Ugu danbayn ayaa waxa uu madaxwayne kuxigeenka Somaliland ku wareejiyey lacagtaasi uu ka gudoomey waftiga Shalay soo gaadhay Hargeysa ee ka yimi dalka Somaliya Qasnaji guud ee gudiga gurmadka abaaraha Sheek Maxamed Aada,

Deeqdan lacageed ee dhan halka milyan ee la soo gaadhsiiey gudga abaaraha ayaa la filayaa hadii si nidaamsan loo maamulo in ay wax wayn ka tari doonto gurmadka loogu jiro dadka ay abaaruhu waxyeeleeyeen.

Halkan Ka Daawo

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News