Hangoolnews.com
Xadhiga Halgamayaasha ”UFO”, Doorkii Eng. Faysal Iyo Cadaymo Sugan ”Documentary Evidence” Drs Hoodo Yusuf . UK, London.
April 3, 2016 - Written by Hangool News

hoodo

EXECUTIVE SUMMARY: Waxaan halkan kusoo bandhigi doona qormooyin taxane ah oo ku saabsan dabayshii isbedel doonka “UFO”ee ka curatay Hargeisa1978-1982; Ujeedooyinkii loo asaasay ; halgamayaashi hormoodka ka ahaa:Eng. Maxamed Baruud,Professor Ahmed Dhabacul”Jabane”;Dr Aden;Dr Taani;Axmed Xussein Caabi; Dr Coladiyo qaar kale oo aan gadaal ka sheegi doono; Waxyaabahii ay ka qabteenHargeisa Group HospitaliyoTB Hospital;Qaabka ay u shaqayn jireen ; Jariidada qarsoodiga ah ” Secret Newsletter ” ay soo saari jireen oo la odhan jirayUFO;Kicintii dareenka shacbiga; Wafdagii Siyaad Barre soo diray ay ka mid ahayeenAxmed Sulaiman Dafle; Axmed Siilaanyo,Axmed M Farax”laxwas”;Jaamac Gaas Mucaawiye; Shirkii ka dhacayHargeisa Officers Club” ee ay kula kulmeen ganacsatada,odayaasha iyo xubno ka socdayUFO; Hadaladii Dr Aden,Dr Taani,Prof Jabane; Gunaandkii lagu kala kacay eeXaaji Basbaas Cismaan Food;

Safarkii Faysal Cali Waraabe kaga soo kicitimay Mogadiscioee uu ku yimiHargeisa;Xidhiidhka shaqo, saaxiibtinimo iyo xididnimo ee ka dhaxaysay Gen.Gaani&Faysal; Kulankii gaar ahaaneed ee ENG Faysal la yeeshayProf Axmed Dhabacul ” Jabane”,Eng Maxamed BaruudiyoDr Colaad ,oo markaa ahaa qorayaasha iyo qaybiyaasha jariidada “UFO”; Waxyaabaha uu shirka soo bandhigay iyo ku gacansaydkii halgamayaasha ; Eng Faysal iyo saddexdaa halgame ee gaarka loogu diray waxay kasoo wada jeedaan isku hayb guud (Garxajiz)

Xadhagii ugu horeeyay ee ProfJabane & Eng Maxamed Baroodee 2ndNovember,1981;Xadhigii ku xigay ee 39aqoonyahan; AmarkiiAxmed Sulaiman Dafleee ahaa inaan la toogan aqoonyahanada la xidhxidhay ilaa Maxkamad la keeno; Xukunkii Maxakamada ee dhacay 28thFeb,1982iyo xabsi daa’inkii “Life sentence”;

Kacdoonkii bulshada iyo dhagaxtuurkii; Bilogwii halagnkaSNM; Jeelkii labaatan Jirow ( solitary confinement ).

Xubanaha loo adeegsaday basaasinimda UFOwaxa hormood ka ahaaEng Faysal Cali Waraabe; Aden Cali Gudahaad”Aden Wali” iyoCabdi Laangadhe; Cadaymaha aan soo bandhigi doona waxa ka mid ah 1. ) “Copy of Affidavit” ay saxeexeenAden Cali Guhaad&Cabdi Laangadheoo ay ku markhaati furayaan kooxda “UFO”; labadaa Marxuum tolkood “Ciidagale ” ayaa Somalila dibedda uga saaray oo Maxkamadda kamay soo xaadirin, markhaatina may furin. 2.)Copy ofAssgeno Circulare” Jeega Wareega” oo ay ku dhigantahay So.Sh 40,000( una dhiganta$ 6,350at the rate of US 1 = So.Sh 6.3)) .Jeega Wareega waxa ku qoranaaEng Faysal Cali Waraabe, waxaana saxeexayGen Gaani.Waxa la filayaa inuu Faysal lacagtaas u qaybiyay Aden Waali&Cabdi Laangadheoo deegaan kasoo wada jeedaan.

Qormooyinka soo socda waxaydon ka dheehan doontaan tafaasiisha dhacdooyinkaas kor xusan & Cadaymaha oo ku lifaaqnaan .

Drs Hoodo Yusuf . UK, London.

Yhoodo @yahoo.com

COMMENTS
Latest News