Hangoolnews.com
Wafta ka Socda Dalka Somaliya Oo Maanta Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Hargeysa iyo Ujeedada Socdaalkooda+Sawiro
April 3, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Magaalada Hargeysa ayaa waxa maanta soo gaadhay wafti ka socda dalka Somaliya kuwaasi oo ka soo kicitimay magaalada caasimada u ah dalkaasi ee Muqdisho,

Waftigan ayaa waxa ujeedka socdaalkoodu yahay caawimo ay soo gaadhsiinayee shacabka reer Somaliland ee ay ku habsatay abaaraha daran ee afar jirsaday kuwaasi oo galaafta dad iyo duunyaba,

caw

Waxaana madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweyey masuuliyiin kala duwan oo ka socday xukumada Somaliland iyo sido kale gudigii abaaraha ee madaxwaynaha Somaliland u magacaabay gaadhsiin micaawimooyinka dadka ay abaaruhu waxyeeleeyeen,

Wasiirka diinta iyo awqaafta somalilansd Sheekh khaliil Cabdilahi Axmed ayaa goobtaasi ka so jeedieyey hadalo kooban oo soo dhawayn ah waxaanu yidhi

““Waftigan ka yimid dalka Somaliya ee deeqda u sida dadkeenu abaaruhu sameyeen waa dareen walaltinimo oo runtii halkan mahad balaadhan uga jeedineyno , waa walaalaheen oo inoo soo gurmadey isla markaana u adkeysan waayey muuqaalada ka soo baxay warbaahinta kala duwan .

Runtii waa jawaab deg deg ah oo aad u qiimo badan waxaana maanta aanu halkan ku soo dhaweenaynaa dareen ka yimid guud ahaan dawlada iyo shacbiga rer Somaliya ” ayuu yidhi wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed

Dhanka kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyihii waftigan ka yimid dalka somaliya oo uu hor kacayay gudoomiyaha beelaha Hawiye Maxamed Xassan Xaad Waxaanu sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay maanta Somaliland yimaadaan iyaga oo u socda u gar gaarka dadka wada dhashay ee somalida ah isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi,

“Waad ku mahadsan tahiin  marka hore soo dhaweynta diiran ee aad noo sameyseen anagu waxanu nahay sida aad la socotaan wafti saaka ka soo kacitimay dalka Somaliya oo isagu jira ururada bulshada qeybaheeda kala duwan , hogaanka dhaqanka , culmo aw diinka iyo haween  .

Dareenkayagu waxaa uu ahaa in aanu idin soo gaadhno waan ka tacsiyadeenaynaa in aanu idinka soo daahnay lakiin hadna waanu nimid  socodkana ma noqon doono kii ugu horeeyey balse waa mid dhiig joojin ah , waxaana aanu diyaar u nahay in aanu idinla qeyb sano xanuunka abaaraha idin haysta allehna waxaan ka baryaaya in uu inaga soo gaadho abaaraha  ” ayuu yidhi gudoomiyaha beelaha Hawiye Maxamed Xassan Xaad oo waftigan hogaaminaayey,

Waftigan ayaa waxa la filayaa in ay ku wareejiyaan xukumada iyo gudiga abaaraha lacag ay ka sidaan dalka somaliya oo loogu talo galay caawinta dadka abaaruhu ay saameeyeen.

caw

222

Hangoolnews.com

Hargeysa/office111333

Hangoolnews@gmail,.com

COMMENTS
Latest News