Hangoolnews.com
Thiery Henry Oo Amaanay Tababaraha Kooxda Real Madrid Zidane Ka Dib Guushii Uu Xalay Ka Gaadhay El Classico Dii Ugu Horeysey
April 3, 2016 - Written by Hangool News

Xidigii hore ee kooxaha Barcelona iyo Arsenal ee Thiery Henry ayaa amaan ugu qubeeyay ninka ay isku wadanka yihiin ee Zinadine Zidane kaasoo uu ku sheegay inuu talaabo weyn oo in lagu amaano mudan uu hor eu qaaday kadib markii uu kasoo adkdaayay kooxda Barcelona oo ay marti ugu ahaayeen garoonka Camp Nou.

Photo File Thiery-Henr

Photo File Thiery-Henr

Henry ayaa xalay fadhiyay kanalka Sky Sports ayaa yiri “Wax badan ayaa laga filayay waxa uu sameyn doono kulankaan kaakiin wuxuu sameeyay taatiko aan ka helay, wuxuu kooxda ku ciyaarsiiyay qaab fiican iyagoo u dulqaatay cadaadiska, si dagana kubad u raacanayay”.

“Waxaa looga baahnaa inuu aad uga taxadaro khadka dhexe, wuxuuna aad ugu sii baahnaa inuu sameeyo ilaalin, dabcan wuuna ku guuleystay midaas, wuxuu sameeyay wax aan jecleystay qaabka dhiiranada leh ee ay ugu soo laabteen goolkii lagu yeeshay”.

Thiery Henry

Dhanka kale Henry ayaa u sheegay Real Madrid iyo Atletico iney iska iloobaan rajo waliba oo ay ka leeyihiin horyaalka wuxuuna yiri “Wax waliba ayaa dhici kara mana ogaan kartid waxa dhici doona laakin rajada ay horyaalka ka leeyihiin kooxda labaad iyo tan sadexaad ayaa ah wax iska yar, taas iima muuqato aniga”.

COMMENTS
Latest News