Hangoolnews.com
Madaxwaynaha Somaliya Oo Ka Hadlay Ogolaanshaha Maamulka Puntland Ee Nidaamka Awood Qaybsiga Somaliya.
April 3, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Madaxwaynaha somaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Maamulka Puntland qaadashada nidaamka awood qaybsiga somaliya ee loo yaqaan 4.5 kaasi oo hore ay u qaadaceen madaxda maamulkaasi,

Waxaanu madaxwayne Xassan si wayn ugu bogadiyey raysal wasaaraha Somaliya Cumar Cabdirashiid oo isagu isku hawlay sidii uu maamulka Puntland uga dhaadhicin lahaa qaadashada nidaamkaasi oo lagu galaayo doorashooyinka la filaayo in sanadka ay ka dhacaan guud ahaanba dalka Somaliya,

Dhanka kale waxa uu Madaxwaynaha Somaliya si wayn u amaanay Isimada Salaadiinta iyo Cuqaasha Reer SOmaliya kuwaasi oo uu sheegay in ay si wayn ula shaqeeyaan Xukumada Dhexe ee Dalka SOmaliya,

Ugu danbayn Xassan Sheekh ayaa waxa uu uu ugu baaqay umada Somaaliyeed beesha Caalamka iyo cid kasta oo danaysa arimaha Somaliya in ay gar gaar deg deg la soo gaadhayaan qaar ka mid ah gobolada dalka somaliya oo ay ka jirto abaar baahsan oo sahayatay dan iyo duunyaba,

Hangoolnews.com

Muqdisho/office

Hangoolnews@gmail,.com

COMMENTS
Latest News