Hangoolnews.com
Gudiga Fulinta Xisbiga Kulmiye Oo Isbahaysigii Mar Kale Dibbada Dhigay, Labada Gudoomiye Ku Xigeen Ee Talyanlle Iyo Waabeeyena Fariin Adag U Direy
April 3, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews— Guddiga Fulinta ee Xisbiga KULMIYE oo soo Saaray Go’aamo.

War-saxaafadeed

Ujeedo: Go’aanka Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE.

Shir ay yeesheen Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE oo ka dhacay xarunta xisbiga KULMIYE caawa oo ay bishu tahay April 2, 2016, dood iyo falanqayn kadib, Guddida Fulintu waxa uu isku raacay qodobbadda soo socda:

  1. Waxa la ansixiyey go’aankii hore uu Guddoomiyaha xisbigu uga soo saaray shantii xubnood ee caddaynayey sababaha ay ku lumiyeen xilalkii kala duwanaa iyo xubinimadii ay ka hayeen xisbiga KULMIYE kadib markii ay wadahadal toos ah la fureen axsaabta mucaaradka ah. Xubnahaasi waxay kala yihiin:

– Dr. Cabdi Aw Daahir Cali

– Cabdirisaaq Khaliif Axmed

– Xusseen Axmed Caydiid

– Faarax Cilmi Geedoole

– Cali Cabdi Saa’iq

  1. Waxa kale oo Guddoomiyaha xisbigu soo hordhigay shirka Guddida Fulinta eedayn ka dhan ah Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee xisbiga Maxamed Xaaji Yusuf Waabeeye iyo Guddoomiye-ku-xigeenka 3-aad ee xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, isla markaana ah labaduba xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada JSL. Dacwadoodaa waxa soo darsaya xubnaha Guddida Fulinta, waxaanna loo ballamay in go’aan laga gaadho shirka dambe ee Guddida Fulintu isugu iman doonto.

Allaa Mahad Leh.

Xassan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

______________________________________________

Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE

Telephone: +25263 4026659, +25263 4426677,

Sha’ab Area, Hargeisa, Somaliland Republic.

COMMENTS
Latest News