Hangoolnews.com
Ciidanka Booliska Oo Magaalada Hargeysa Ku Soo Ururiyey Sameecado Laga Sii Daayey Muxaadirooyin Uu Soo Jeedinayay Hogaamiyihii La Diley Ee Alshabaab Axmed Cabdi Godane
April 3, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Ciidamada Booliska Somaliland ayaa habeenkii xalay ahaa magaalada Hargeysa ka bilaabay olale ay ku soo ururinayeen qalabka wax lagu dhagaysto ee loo yaqaan sameecadaha kuwaasi oo laga dhagaysto muxaadirooyinka diiniga ah,

Sameecadahan ay ciidanku ka soo ururiyeen meheradaha ayaan badanaa lagu dhagaystaa meelaha ay bulshadu iskugu timaado sida maqaaxiyaha,goobaha shaaha laga cabo iyo gaadiidka dadwaynaha,

Hawlgalka ay ciidamadu ku soo ururinayeen sameecadaasi ayaa la sheegay in ay ka danbaysay ka dib markii sameecadaasi laga sii daayey cod muxaadiro ah oo uu soo jeedinaayo hogaamiyihii la diley ee xarakada Alshabaab Axmed Cabdi Godane,

Sidoo kale ciidamada Boolisku waxa ay gacanta ku soo dhigeen Nin ka mid ah kooxdii maamulka ka ahayd sameecadahaasi oo ay ciidanku u taxaabeen xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa,

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay gudga wanaag farista iyo xumaan reebistu ay siiyeen markii hore kooxdan si ay uga qayb wacyiga loo soo jeedinayo bulshada ee diiniga ah, hase yeeshee waxa ay markii danbe kooxdan Sameecadahaasi ay ka sii daayeen Canjalado ay ka baxayaan Jihaadku si bulshada loogu wacyi galiyo ka qayb galka Jihaadka,

Dhinaca dawlada ayaan ilaa iyo hada ka hadal dhacdadaasi,

COMMENTS
Latest News