Hangoolnews.com
Cali Gurey Gudoomiyaha Sadexaad Ee Xisbiga Ucid Ma Faysal Ayaa Magacaabay Mise Shirwayne Aya Lagu Doortey,? Halkan Ka Eeg
April 3, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:—Khilaafka baahsan ee ka dhex taagan gudoomiyaha xisbiga Ucid iyo musharaxa jagada Madaxwayne ee xisbigaasi ayaa gaadhey halkii ugu saraysa iyada oo xubnahii kala duwanaa ee xisbiga ucid ay la kala safteen labada dhinac inkasta oo dhinaca gudoomiyaha taageersan ilaa iyo haatan aan lagu arag iyaga oo warbaahinta ka hadlaya,

Gudoomiyaha sadexaad ee xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf iyo gudoomiyaha Xisbigaasi ayaa waxa iyaga dhinacooda markii ugu horeysay ay hawada isku mariyeen weedho kala duwan taasi oo keentay in ugu danayntii uu maalintii shalay ahayd gudoomiyaha xisbiga ucid Faysal Cali Waraabe warsxaafadeed uu soo saaray xilkii kaga qaaday Cali Gurey iyo xubno kale oo sadex ahaa oo la saftay garabka Musharax Jamaal Cali Huseen,

Hadaba Xilka qaadista Gudoomiyaha ee Cali Gurey ayaa khilaaf ka dhex dhalisay bulshada iyada oo is waydiintu tahay Gudoomiyaha xisbigu awood ma e leeyahay in uu xilka ka qaado se halkee ayaa lagu doortey mise faysal ayaa Magacaabay,

Muuqaalkan ayaa waxa ka muuqday shirwaynahii lagu doortey Cali Gurey oo ay cod gacan tag ah ugu codeeyeen Golaha dhexe ee xisbiga Ucid

 Muuqaalkan Hoose Daawo

Hangoolnews.com

Muqdisho/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News