Hangoolnews.com
“Aniga Hadii uu Jiroba Xil Uu Ii Magacaabay Faysal Wuu Iga Qaadi Karaa Raalina Waan Ku Ahay,”Cali Gurey
April 3, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews—Gudoomiyaha sadexaad ee xisbiga Ucid Cali Maxmed Yuusuf ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan xil ka qadista uu ku sameeyey Gudoomiyaha xisbiga ucid Eng Faysal cali Waraabe oo shalay warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in xilkiii gudoomiyaha sadexaad ee xisbigasi uu ka qaaday Cali Gurey.

Cali Gurey ayaa arintaasi kaga dareen celiyey Qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebuuga Waxaanu u dhignaa sidan,

Photo File mujaahid-cali-guray

Photo File mujaahid-cali-guray

Gudoomiyaha UCID Ilaahay caafimaad ha siiyo eh wuu xanuunsanaya waayo ficilka iyo hadalkiisa midna uma eka wax ka suurtoobi kara qof xiskiisu dhan yahay. Hadii ay run tahay in kiniin joogto ah uu qaadan jiray malaha wuu ka go’ay eh marka loo keeno wuu ladnaan doonaa.

Arinta UCID maaha arin shakhsi iyo wax xalku noqon karo xil magacaabis iyo xil ka qaadis. Qandaraaska la soo siiyay waa burburinta UCID waaana halkii laga soo maleegay shirqoolkii la isku deyay in lagu burburiyo Saldanadda Subeer Awal. UCID iyo Suldanada guri keliya ayaa lagaga soo duulay waanu fashilayaa hadii Alleh yidhaa sidii uu u fashilay shirqoolkii Saldanadda Subayr Awal. Markaa Faysal waa la isticmaalayaa xaaladda uu ku sugan yahay ee caafimaadna way kaga faaiidaysanayaan. Markaa anigu xal uma arko in lala tirsado balse waxan u arkaa in sharciga la adeegsado.

Aniga hadii uu jiroba xil uu ii magacaabay wuu iga qaadi karaa raalina waan ku ahay laakiin waxan cadaynayaa in aanu jirin haba yaraato eh xil uu gudoomiyuhu ii magacaabay oo aan u hayo Xisbiga UCID. Xilka aan u hayo xisbiga waxa la iigu doortay Kalfhadhigii 5aad ee Golaha Dhexe oo cod buuxa ku ansixiyay sida ku cad go’aamadii ka soo baxay Kalfadhigaasi isaguna xaq uma laha inu iga qaadi karo hadiise uu ka ansixiyo Gokaha Dhexe waa sax waanan u hogaasami doonaa.

Ugu dambaystii Faysal xalka dhibaatada UCID qayb kama noqon karo waayo isaga ayaaba dhibaatada lafteeda ah dhibaato kale oo UCID haysta oon isaga ahaynina ma jirto. Markaa dagaalka siyaasiga ah ee UCID waa ” winner takes all” waa in UCID la waayo iyo in Faysal la waayo wax ka dhexeeya oo kale anigu ma garanayo. Markaa aan sugno dhamaadka. Hadii ay ta xunba noqoto oo UCID la waayo anigu waxaan noqon doonaa qofka ugu khasaaraha yar waayo dan shakhsi ah oon waayayaa ma jirto balse waxan la qaybsan doona khasaaraha UCID intii xisbiga ah oo dhan. Kuwii iiga badsaday UCID hawlihiisa ee 14ka sanadood ku xoog iyo xiniinyo beelayna waan ka tacsiyayn doonaa. Kolkaa xil waxba ma sheegayo eh waxan bahwaynta UCID ugu baaqayaa inay u midoobaan badbaadinta xisbigooda qaaliga ah si ay u gaadhi karaan higsigoodii UCIDna ugu simaan in uu noqdo xisbul xaakim

Wa Bilaahi Tawfiiq

COMMENTS
Latest News