Hangoolnews.com
Xog Muhiim ah: Khilaaf Xoogan oo Ka Dhex Qarxay Maamulka iyo Shaqaalaha Wasaaradda Duulista Iyo Madaarka Cigaal ee Hargeysa
April 2, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:—War Xog, ogaal ah oo soo gaadhay Xafiiska Wararka iyoSiraha Qarsoon ee Shabakada Hangoolnews ayaa sheegaya in Shaqaalaha Xarunta Wasaarada Duulista iyo Hawada gaar ahaan kuwa ka hawl gala Madaarka Caasimada Hargeysa ee Cigaal uu ka dhex abuurmay kacdoon xoogan oo salka ku haya kala kooxaysi iyo qaab qabyaaladaysan kuwaasi oo u kala jabay laba kooxood oo mid kastaa dhankiisa uu awood is bidaayo,

Photo file Wasaarada Duulista iyo Hawada

Photo file Wasaarada Duulista iyo Hawada

Labadan kooxood ee isku haya qaabka qabyaaladaysan ee ka taagan Shaqaalaha Wasaaradda ayaa garab waxa hor kacaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada Cumar Cabdilaahi Qalinle(Cumar-Sayid) waxaana ka mid ah kooxda uu hor kacaayo Agaasimaha guud Maamulaha Madaarka Cigaal Maxamed Yuusuf Axmed, Mustafe Cabdi Dheere oo isna ah Madaxa Amaanka(security)Madaarka iyo sidoo kale Agaasimaha Qorshaynta iyo dabo galka Mashaariicda oo lagu magacaabo Mustafe Salaf, kuwaasi oo dhamaantood isku hayb ka soo jeeda,

Kooxdan ayaa waxa ay isku bahaysteen Gacan ku dhigista awooda koowaad ee wax waliba ay ka soo go,aan lagagana shaqaynaayo Madaarka ay iyaga ka soo Fusho hadii ay tahay mid toosan iyo tabbanba,

Garabkan uu hogaaminaayo Agaasimaha Wasaarada Duulistu Cumar-Sayid iyo intooda kaleba waxa si dad,Ban iyo si toosaba u Magacaabay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo danno Siyaasadeed ka lahaa magacaabistooda Xiligaasi,

Kooxda kale ee ay muranka iyo awood sheegashadu ka dhexayso kooxdaasi aan hore u soo xusney waxay u badan yihiin Shaqaale Hoosaadka Madaarka, Badankoodana ay isku Hayb ka soo Jeedaan Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi kuwaasi oo dhamaantood uu halkaasi ka shaqaalaysiiyey intii uu hayey xilka Wasaarada Duulista oo ku sinnayd mudo shan sano iyo dheeraad ah,

Xogaha Hangoolnews Soo gaadhaya ayaa dhanka kale sheegaya in Garabkan  uu dhinaciisa  awooda ugu badan ka haysto Wasiiru DAwlaha Wasaaradda Duulista Axmed Nuur Faahiye iyo Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi oo hore u ahaa Wasiirkii Wasaaradaasi Kaasi oo tan iyo intii uu u Wareegay Wasaarada Madaxtooyada aanay Gacantiisu marna ka bixin ka warhaynta iyo ka tallo bixinta Wasaaradda Duulista iyo Hawada,

Wasiirka cusub ee dhawaan loo soo badalay Wasaaradda Duulista iyo Hawada Cumar Sheekh Maxamed Faarax ayaa awoodiisii shaqo waxa la wareegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Cumar Sayid iyo kooxda uu hor kacaayo uguna Takri falay si ka baxsan Maamulka iyo Waajibaadka shaqo ee Dastuurku farrayo,

Ma jirto illaa iyo haatan khilaafka ka dhex oogan hawl wadeenada Madaarka Hargeysa iyo Maamulkooda cid ka hadashay iyada oo Madaarku yahay meelaha kaliya ee laga dheehan karo Haykalka Dawladnimo ee Dal leeyahay,

Arintani ayaa hadii ay sii socoto Madaarka Caasimada Hargeysa ku keeni karta khatar wayn oo ragaadisa shaqo maalmeedka joogtada ah ee Wasaarada iyo Madaarka Cigaal ee Hargeysa,

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News