Hangoolnews.com
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Maanta Loo Qaybiyey Xeerkii Wax Ka Bedelka Doorashooyinka Ee Dhawaan Madawaynuhu U Gudbiyey
April 2, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:—Kulan ay maanta yeesheen mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland ayaa loo qaybiyey ansixinta,wax-ka-beddelka iyo in laga doodo xeer uu madaxweyne Siilaanyo u soo gudbiyey golaha wakiilada Somaliland.

Golaha Wakilada oo loo soo gudbiyey hakintii diwan gelinta Iyo Wax-ka-beddelka Xeerka diwaangelinta codbixiyeyaasha.

Fadhigan oo muddo kooban socdey ayaa waxaa hoggaaminayey guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi CIRRO,waxaana ku wehelinayey labada guddoomiye ku-xigeen. Waxaana mudanayaasha golaha wakiilada loo qaybiyey qoraalka ansixinta xeerka uu madaxweeyne Siilaanyo u soo gudbiyey golaha wakiilada Somaliland,kaasi oo ahaa in diwaangelinta codbixiyeyaasha dib loo dhigo.

Dabayaaqaddii bishii dhammaatey ee sannadkan ayaa madaxweyne Siilaanyo kulan uu qabtey xisbiyada qaranka,golaha wakiilada iyo guddida diwaangelinta Somaliland ayaa la isku af-gartey in diwaangelinta codbixiyeyaasha la hakiyo muddo bil ah.

Geesta kale waxaa go’aankaas ka biyo diidey oo gaashaanka u daruurey xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,waxaana uu soo jeediyey in diwaangelinta iyo gurmedka abaaraha la is-garab wado.

Kulankan ay maanta yeesheen mudanayaasha wakiiladu ayaa loo qaybiyey ansixinta iyo sidii looga doodidilahaa xeerka uu madaxweyne Siilaanyo u soo gudbiyey mudanayaasha wakiilada Somaliland.

Waxaana ay shirguddoonka wakiiladu iyo mudanayaashu ku ballameen in laga doodo maalinta berriya haddii Illaahay idmo.

Markii uu dhammaadey kulankii ay yeesheen golaha wakiilada Somaliland, ayaa shirguddoonka golaha wakiiladu galeen aqalka Madaxtooyada Somaliland,iyaga oo lugeynaya oo is-garab socda.

Waxaana la filayaa inuu maalinta berriya haddii Ilaahay Idmo laga doodi doono xeerka uu madaxweyne Siilaanyo dhawaan u soo gudbiyey mudanayaasha wakiilada Somaliland

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News