Hangoolnews.com
Roobabka Gu’gga oo Ka Curtey Deegaano Ka Mid Ah Gobolka Saaxil
April 2, 2016 - Written by Hangool News
Roobabka Gu'gga

Roobabka Gu’gga

Hangoolnews:–Roobabkii gu,ga ayaa maanta ka curtey meelo ka mid ah gobolka saaxil iyada ooo deegaanada ay ka curteen raxmaadka Eebbe ee aadka loo wada sugaayo ayaa waxa ka mid ah deegaanka degmada Sheekh iyo sidoo kale degmada Mandheera oo labaduba ku kala yaala dhinacyada galbeedka iyo Barriga Magaalo Madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera,

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Jaamac Axmed yuusuf oo u waraamayey Idaacada Qaranka ee Radio Hargeysa ayaa u Xaqiijiyey bilowga deegaanada ay ka curteen Raxmaadka Eebbe,

Gudoomiyaha oo la hadlayay Wariyaha gobolka Saaxil ee Idaacada Qaranka Radio Hargeisa Waxa ka mid ahaa hadaladiisii,

“Maanta oo ay bishu tahay 2 bisha abril una diyaar garoobaynay in aanu ilaa 400 oo booyadood oo biyo ah u dirno deegaanada Degmada Sheekh ayaa uu Maanta Galinka  danbe ka curtey roobbabkii gu’gu degmada Sheekh Ilaa Mandheera iyo Hareeraheeda” Sidaasi waxs warbaahinta Dawlada u Xaqiijiyey Gudoomiyaha Gobolka Saaxil,

Roobabkan raxmaadka Eebbe ayaa waxa la rajaynayaa in ay ka curtaan guud ahaan gobolada Somaliland oo ay xiligan ka taagan tahay abaaro xoogan oo sahayday Dad iyo Duunyaba.

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News