Hangoolnews.com
Koob Lagu Xusayey Wariyihii Waynaa ee Axmed Xassan Cawke oo Lagu Soo Gabo Gabeeyey Magaalada Gabiley
April 2, 2016 - Written by Hangool News

Axmed_cawkeHangoolnews:—Habeenkii Xalley waxaa garoon Maax Staduim ee ku yaala Magaalada Gabiley lagu soo gabagabeeyay Koob loogu magac daray Allaha u naxariistee Wariye Axmed Xasan (Cawke).

Koobkan oo uu soo qabanqaabiyey Xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi oo ka tirsan golaha deegaanka Gabiley ayaa sheegay inay koobkan ugu talo galeen sidii ay dhalinyarta reer Gabiley isku dhex gali lahaayeen sidoo kalena loogu xusuusan lahaa suxufigii weynaa ee Axmed Xasan Cawke.

Xildhibaanku waxaa kale oo uu sheegay mudadii koobkani socday inaanay wax dhib ahi ka dhicin dhalinyartuna ay aad isku dhexgaleen.

Maayirka magaalada Gabiley Maxamed Amiin oo isna ka qayb galay gabagabadii koobkan ayaa u mahadnaqay xildhibaan koobkan soo qabanqaabiyey iyo dhamaan ciyaartoydii iyo kooxihii ka qayb galayba.

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News