Hangoolnews.com
Diyaaradaha aan Duuliyaha Lahayn ee Maraykanka oo Duqeeyey Fadhiisamada Kooxda Alshabaab ee Koonfurta Dalka Somaliya
April 2, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:– Maraykanka ayaa sheegay in duqaymo uu ka fuliyay Soomaaliya lagu bartilmaameedsaday sargaal sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Af-hayeen u hadlay wasaaradda gaashaan dhigga Maraykanka ee Pentagon, ayaa sheegay in ay diyaarad bilaa duuliye ahi weerar ku qaaday meel u dhow magaalada Jilib ee ku koonfurta Soomaaliya.

Waxa weerarku bartilmaameedsaday Xasan Cali Dhoorre oo ah xubin sare oo ka tirsan Al-Shabab oo lagu tuhunsanaa inuu maleegay qarax ka dhacaygaroonka diyaaradaha Muqdisho iyo huteel magaalada ku yaalla oo dad Maraykan ah lagu dilay.

Khubarada Pentagon-ka ayaa weli dersaya sidii weerarkaasi u hir galay.

Weerarkani waxa Maraykanku ka fuliyeen Soomaaliya dhowr todobaad uun ka dib weerar hore oo ay si abaabulan u fuliyeen diyaaradaha qummaatiga u kaca iyo kuwa Drones-ka loo yaqan.

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News