Hangoolnews.com
“Cali Gurey Tol Ma Haysto Sacad Muusena Musharaxbuu Leeyahay Awalna Halkaasuu Maray,”Faysal Cali Waraabe
April 2, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka dhawaajiyay inuu xilalka ka qaadi doono eryina doono isla markaana kala dareerin doono dhamaan masuuliyiinta ka tirsan xisbiga UCID ee taageerada u muujiyay musharaxa xsbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.

Gudoomiye Faysal Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in xilalka uu ka qaado masuuliyiinta uu badalkeeda keeni doono masuuliyiin wax u tara xisbiga isaga oo sidoo kale sheegay inaanu xisbiga ka tirsanayn, golaha dhexe ee xisbiguna aanay aqoonsanayn gudoomiyaha dalka imaaraadka carabta ee xisbiga UCID iyo gudoomiyaha xisbiga ee Dalka Ingiriiska oo iyagu  dhawaan dhaliilo xogan usoo jeediyay gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Waxaan uu Eng Faysal Cali Waraabe hadalkan ka sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlay hotel maansoor ee magaalada hargeysa waxaana uu hadalkiisu u dhignaa sida tan,

“Ma jiro khilaaf ka dhex taagan xisbiga, ma laba qof oo meel ka hadlay ayaa khilaaf ah iyo nin iska sheegtay oo yidhi gudoomiye Ayaan ahay sida kasheegtay gudoomiyaha Imaaraadka, maba yaqaan meel uu xafiisku ku yaal, waligiina muu imaan,dekeda ayuu xoolaha ka rarta ayaa la yidhi, ka isna yurub ka hadlay ee yidhi gudoomiyaha ayaan ahay waxuba qabiil ayay ku hadlayaan, baribaan wada eryayaa kuwa magaca naga haysta ee siyaasada xisbiga ka soo hor jeesta, kaan anigu magacaabay sideebuu ii caayi karaa oo ii af lagaadayn karaa baribaan wada eryayaa waad arki doontaan rag xisbiga wax u taraya Ayaan soo magacaabayaa, shirwaynahana waa lagu ansixin doonaa”Sidaas ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Gudoomiye Faysal waxa uu sidoo kale sheegay in Cali Gurey uu markii hore waday qorshe lagaga saarayo xisbiga Jamaal Cali Xuseen markii uu masharaxa ahaa Maxamed Biixi Yoonis Waxaanu Yidhi,

“Cidina ka aqbali mayso Cali Gurey Faysalbaa xisbiga baabiinaya Somaliland ka aqbali mayso, Gudoomiyaha Kulmiye tartan ayaa naga dhaxeeya colaad nagama dhaxayso shalayto waxuu lahaa hadii nin Awal ahi soo baxo Jamaal way u dhmaatay markii Maxamed Biixi Yoonis soo bixi waayayna Jamaalbaa Abqariya ayuu yidhi ,

 Sawkii eryanayee lahaa inankan yar aan kaa jiido waxba kuma tarayee, markaa waxa weeyaan Cali musharaxna ma samayn karo xisbiga afkiisana kuma hadli karo waa ku meel gaadh hadana gudiga anshaxa ayaanu u diri doonaa oo talaabo ayaa laga qaadi doonaa xusbigayagana ma bur burin karo mana ceebayn karo”

Dhanka kale Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in dhamaanba kooxdii ka soo hor jeesta ee xisbiga ka dhex wad bur burin in uu hor gayn doono gudiga anshaxa ee xisbigaasi si ay talaabo uga qaadaan,

Maalmahii ugu danbeeyey ayaa waxa guud ahaanba si wayn looga dareemayay khilaafka xisbiga Ucid dal iyo dibadba lamina oga halka uu iskugu biyo shuban doono khilaafkaasi,

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News