Hangoolnews.com
Xog Muhiim ah Wasiirka Maaliyada Somaliland oo Qayskooda Lacag uga Saartay Khasnada Wasaaradda Maaliyada iyo Xadiga Lacagta
March 31, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Wasiiradda wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa lacag dhan 30,000 oo dollar wasaaradda Maaliyadda uga saartay wiil ay edo u tahay oo maamula kastamka cashuuraha madaarka diyaaradaha Hargeysa oo dhawaan aroostay.

Illaa hada ma jiraan warar amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay baxay dhanka wasaaradda balse sid ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegaya in lacag dhan 30,000 dollar ay wasiir Samsam si toos ah qasnadda Maaliyadda ugaga soo saartay wiilkan ay ededa u tahay si uu uga dhigto kharashaadka debaal-dega iyo damaashaadka arooskiisa.

Photo File Wasiirka Maaliyada Somaliland

Photo File Wasiirka Maaliyada Somaliland

Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in wiilka ay wasiir Samsam Ededa u tahay isla mar ahaantaana agaasimaha ka ah waaxda maamulka kastamka cashuuraha ee Madaarka Hargeysa oo magaciisa la yidhaahdo Md. Cabdixakiim Cabdillaahi Gelay si uu had iyo jeer dhibbaatooyin xoogga ku hayo shaqaale weynaha kala duwan ee wasaaradda, gaar ahaan kuwa ka hawl-gala madaarka Hargeysa ee waaxda cashuurahaisaga oo horena u joogay qaybta cashuuraha bariga ee kaso hor jeedka cusbitaalka guud ee Hargeysa inta aan loo badalin Madaarka,

 Isaga oo sida oo kalena la tilmaamay in uu shaqaale qayrul sharci ah uu ku qorto awood aana la ogeyn meesha uu ka hayso iyo halka uu ka keenay toona

Balse ay wararku sheegayaan in wasiir Samsam ay awood dheeraada u siisay ku takrifalka hantida umadda iyo weliba u awood sheegashada shaqaalaha oo uu qaarna eryo halka uu qaar kalena uu sifo sharci darro ah ku qorto.

Illaa hada lama oga lamana garanaayo sababta wiilka ay ededa wasiir Samsam awooda intaa leeg ay u siisay isla mar ahaantaana ugu boobayso hantida umadda xilli la la’ yahay wax lagu taakuleeyo dadka abaarahu saameeyeen ee habeen iyo maalinba dhimashadooda laga soo sheegayo deegaanada galbeedka Somaliland.

Xigasho :- Somalilandlive

COMMENTS
Latest News