Hangoolnews.com
“Waxaan Ahay Madaxweyne Wax Qabtay oo Aan Waji-Gabax AHayn.” Akhri Erayo Badan oo Ku Cusbaa Warsxaafadeedkii Ka Soo Baxay Madaxtooyada
March 31, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Madaxwaynaha Somaliland ayaa waxa ka soo baxay xafiiskiisa warxasaafadeed uu kaga hadlaayo xaallada dalka sida abaaraha,dib u dhigista diwaan galinta,balanqaadkiisa in aan mudo kordhin danbe loo samayn xukumadiisa,iyo sidoo kale manasheegasho uu madaxwayne siilaanyo ku muujinaayo waayo aragnimadiisa siyaasadeed,

Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada ayaa waxa ku jirey erayo aan hore loogu arag warsaxaafadeedyadii  ka soo bixi jirey xafiiska madaxwaynaha Somaliland.

Halkan ka akhari hadalada ku cusbaa kan ugu danbeeyey

“bishu hortiina ayey iman doontaa ee yaan la idinku adimin idinkoo hadal tiro iyo tow-tow gidaarada ka shubaya,”

“Ma aaminsani, in magac iyo maamuus iigu kordhayo in muddo marba la ii kordhiyo.”

“Waxaan ahay Madaxweyne wax qabtay oo aan waji-gabax hayn.”

“Waxaan ahay Madaxweyne, ay dadkiisu doorteen oo daacad u ah ka shaqaynta danahooda guud.”

“Waxaan ahay siyaasi afartan sanno in ka badan ummaddiisa u soo adeegayey utun la’aan. Sidaa darteed, haddii uu Kursi jacayl i hayo ama aan doonayo inaan halkan iska sii fadhiyo miciin kama dhigteen marba muddo kordhin ee murashax baan noqon lahaa oo waan tartami lahaa.”

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News