Hangoolnews.com
Somaliland :- Lafaha Dadkii Ku Aasnaa Xabaallaha Degmada Aw Barkhadle oo Lala Baxay+Sawiro
March 31, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:– Xabaalo ku yaala degmada Aw Barkhadle oo ku taala dhinaca Bari ee magaalada Hargeysa ayaa wararka naga soo gaadhaya ay sheegayaan in xabaalo ku yaala halkaasi la qotay iyada oo lagala baxay lafaha dadkii halkaasi ku aasnaa,

Arintan oo ah mid ugub ku ah dalka ayaa waxa dadka deegaankaasi ay sheegeen in xabaalaha la qotay ay yihiin dhawr xabaalood oo lakala qodey xiliyo kala duwan,

Xabaalaha aw Barkhadle ayaa waxa ku aasan culimo badan oo dadkii hore ah iyada oo isla degmadaasi ay degan yihiin culimo iyaga fariiq la ah Sheekh wayn oo ku aasay degmada Aw Barkhadle Xabaalahan la qoday ayaa ah mid aad loo dheereeyey isla markaana ka badan inta jooga ah ee loogu talo galay in qof lagu aasso,

Dadwaynaha degan agagaaarka xabaalahaasi la qoday ayaa sheegay in ilaa iyo haatan aan la aqoonsan cida faqatay hase yeeshee looga shakisan yahay niman itoobiyaan ah oo deegaan kaasi ku sugnaa mudooyinkii ugu danbeeyey,

Dhinaca kale xukumada Somaliland ayaa la sheegay in lala socod siisyey dhacdada meesha ka dhacday iyada oo halkaasina loo direy xubno matalayay xukumada dalka ka arimisa inkasta oo ilaa iyo haatan ayna cidi ka hadal,

Sadex qof ayaa wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka helayno deegaankaasi ay sheegayaan in loo qab qabtay xabaalahaasi lala baxay,

Photo File Xabaalaha L faqday

Photo File Xabaalaha L faqday

Photo File Xabaalaha L faqday

Photo File Xabaalaha L faqday

Hangoolnews.com

Hargeysa/office

hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News