Hangoolnews.com
Maayarka Degmada Salaxlay iyo Wafti uu Hogaaminaayo oo Dablay Hubaysani Weerar Ku Qaaday
March 31, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:– Maayar degmada salaxlay Shiine Tahar iyo sidoo kale xubno ka mid ah golaha degaanka Degmada Salaxlay ayaa ka badbaaday weerar ay ku soo qaadeen koox dablay ah oo hubaysan xilli ay ku jireen kormeer ku saabsan u kuur galida dadka ay abaaruhu saameeyeen ee deegaanada hoos yimaada degmada Salaxley,

Maayar Shiine ayaa warbahinta u xaqiijiyey weerarkaasi kaasi ay ku soo qaadeen kooxdaasi dablayda ahi xilli ay marayeen meesha loo yaqaan Xabaasha Warancade oo u dhaxaysa deegaanada Balli case iyo Balli Mataan,

Maayarka degmada Salaxlay waxa uu sidoo kale sheegay in kooxdani ay u gashay xabaalahaasi isla markaana ay ku fureen tacshiirad rasaas ah inkasta oo aanay wax khasaare ah ka dhalan ayna ka garteen nin uu sheegay maayar Shine in hore deegaankasi looga soo xidhay isla markaana aanu isagu ogayn xiliga la sii daayey,

Geesta kale waxa uu sheegay maayarku in ay si deg deg ah ugu war galiyeen dhacdadaasi Taliska Ciidanka Booliska Somaliland Balse ilaa iyo haatan aanay wax jawaab ah ka soo bixin arintaasi,

Ugu danbayn waxa uu fariin u diray wasaarada arimaha gudaha Somaliland in ay si deg deg ah wax uga qabato xaalada amni ee deegaanadaasi, waxaanu maayarku caro baabay in ay falkaasi ka danbeeyeen koox siyaasiyiin ah oo dano gaar ah ka leh,

Source Togaherar

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News