Hangoolnews.com
Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyey In ay Aqbaleen in Mudo Hal Bil ah La Hakiyo Diwaan Galinta Codbixiyayaasha
March 31, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:– Komishanka qaranka doorashooyinak Somaliland waxay sheegeen in Madaxwaynaha Somaliland u soo gudbiyey labo warqadood kuwaasi oo nuxurkoodu ahaa dalabyo uu madaxwaynahu kaga dalbanaayo komishanka dooorshaooyinka in hakad la galiyo hawlaha diwaan galinta  mudo al Bil ah,

Komishanku waxay sheegeen in ay aqbaleen in hakad la galiyo mudadaasi bisha ah diwaan galinta si gar gaar loo gaadhsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Geesta kale warqada labaad ee madaxwaynaha somaliland u gudbiyey komishanka doorashooyinka ayaa ujeedka ay xanbaarsan tahay uu yahay  warqad qoraal ah oo madaxwaynuhu u gudbiyey Barlamaanku sidii ay wax ka bedel iyo kaabis ugu samayn lahaayeen xeerka codbixiyayasha taasi oo komishanka lagula socod siinayay in warqadaasi uu madaxwaynahu u gudbiyey golaha sharci dajinta dalka,

Komishanka ayaa waxay shirkan jaraaid ee ay maanta qabteen ku sheegeen in ay aqbaleen codsiga madaxwaynaha Somaliland ee ah in mudo hal bil ah hakad la galiyo hawlaha diwaan galinta ka socota dalka,

Hangoolnews.com

Hargeysa/office

hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News