Hangoolnews.com
Dhagaysiga Dacwada Salaadiintii Ku Eedaysnaa Weerarkii Lagu Qaaday Goobtii Diwaan Galinta Waqooyiga Hargeysa oo Maanta Si Rasmi Ah uga Furantay Jeelka Mandheera
March 31, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Maxkmada gobolka maroodi jeex ayaa maanta bilowdey dhagaysiga dacwada Salaadiinta iyo dhalinyaro ku eedaysan in ay ka danbeeyeen Weerarkii lagu qaaday goobtii diwaan galinta codbixiyayaasha ee deegaanada waqooyiga Hargeysa goobtaasi oo la hoos geeyey degmada Lughaya ee gobolka Awdal, goobtaasi oo weerar lagu qaaday,

Dhagaysiga dacwadan oo maxkamada Gobolka Maroodi jeex ay bilowdey ayaa waxa maxkmada wareegta ay gaadhay jeelka wayn ee Mandheera halkaasi oo mudooyinkii ugu danbeeyey ay ku xidhnaayeen eedaysanaashu kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay lix iyo toban qof oo iskugu jira Salaadiin iyo Dhalinyaro,

Dacwadan saaka bilaabantay ayaa waxa xeer ilaalintu ay ku soo oogtay eedaysanayaashaasi iyada oo goobta keentay cadaymo muujinaya dhaawacyada la soo gaadhsiiyey qalabkii lagu shaqaynayay iyo sido kale Mobilo ay xeer ilaalintu keentay goobta kuwaasi oo la sheegay in laga qaaday eedaysanayaasha xiligii lagu jiro hawl galada lagu qab qabnayay dadkaasi loo tuhunsan yahay in ay ka danbeeyeen weerarka goobtaasi diwaan galineed,

Ka dib bar bilowga dhagaysiga dawcwadaasi waxa dib loogu balamay in dib loo furo mar kale maalinta sabtida ah oo ku began labada Bisha Sadexaad,

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News