Hangoolnews.com
Xisbiga Kulmiye Ka Bilaabay Ollale Xilli Hakad La Galiyey Diwaan Galintii si Gurmad Loo Gaadhsiiyo Dadka Abaaruhu Saameeyeen
March 30, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:– Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo wafti wasiiro ah oo uu hogaaminaayo ayaa waxaa ay safar olale iyo  tamashale ah ugu tageen dadkii ay abaaruhu sameyeen ee qaar ka mid ah deegaanada hoos yimaada gobolka Saaxil,

Safarkooda Olalaha ah ayaa ku soo beegmaya xili diwaan galintii codbixiyayaasha hakad la galiyey si loo taagero dadka ay abaaruhu saameeyeen ee gaadhay heer ay dhintaan dad gaadhaya ilaa toboneeyo qof,

Deeganada uu  waftigan xisbiga kulmiye safarka olalaha ah ku tagay ayaa ah deegano hoos yimada gobalka Saaxil isla markaana ay ka jirto abaar xun oo dad iyo duunyaba sameyn xoogan ku yeelatey .

Photo file Sawirka Socdaalka Saaxil

Photo file Sawirka Socdaalka Saaxil

Gudoomiye Muuse Biixi   iyo waftigiisa ayaa faro madhanaan la hor istaagay dadweyne faro badan oo dushooda diifi ka muuqato kuwaasi oo u baahan gurmad deg dega ah iyada oo gaadiidka ay wateen oo aad u tiro badnaa shidaalka ku baxayna uu yahay mid madaxaa ha ku furto ah ayaa noqon lahaa mid dadka abaaruhu waxyeeleeyeen waxtar u yeelan lahaa hadii gurmad ahaan loo gaadhsiiyo,

Kolonyada gaadiidka ahaa ee waftiga ayaa dadka deegaanku ay markii hore moodayeen gaadiid u wada mucaawimo hase yeeshee waxaa se fajac  iyo amakaag noqotey ka dib markii ay ka soo degeen baabuurta  waftiga faraha madhan ee uu hor kacaayo Muuse Biixi  isla markaana ay shacabka ku booriyeen in ay codkooda siyaasaan xisbiga kulmiye.

Deeganada uu  waftiga  uu hogaaminayo ay tamashalaha ku tageen ayaa waxaa ka mid ah  Biyo-Fashiisinka, Derida,  Go’da Yar Iyo Degmada Go’da Weyn  halkaas oo ay abaar sameyn xoogan ku yeelatey ay ka jirto .

Waxaa xusid mudan in gudoomiye Muuse Biixi laba cisho ka hor madaxtooyada ka dhexdeeda kaga dhex tiraabaayey in ay dalka ka jirto abaar xoogani isla markaana loo damqado dadka oo la hakiyo diwaangalinta  waxaase falcelinteedu noqotey in uu isagu uu bilaabo safare tamashale iyo olale isku jira .

Photo file Sawirka Socdaalka Saaxil

Photo file Sawirka Socdaalka Saaxil

Photo file Sawirka Socdaalka Saaxil

Photo file Sawirka Socdaalka Saaxil

se1

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News