Hangoolnews.com
Salaadiintii u Xidhnayd Xiisada Waqooyiga Hargeysa oo Dacwadoodu Beri Bilaabmayso
March 30, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:—Maxkada gobolka Hargaysa ayaa maalinta bari ee khamiista ah bilaabaysay dhagaysiga dacwada lagu soo eedeeyey cuqaal,salaadiin iyo dhalinyaro ee taasi oo ah weerarkii dhawaan lagu qaaday goob diwaan galineed oo hoos imanaysay deegaanka degmada Lughaya,

Tirada dadkan ku eedaysan ayaa waxa dacwadoodi ka bilaabmaysaa Hool ay maxkamadu ku dhex leedahay jeelka way nee Mandheera halkaasi oo ay mudooyinkii ugu danbeeyey ku xidhnaayeen eedaysanayaashu,

Iyada oo Jeelka Mandheera ay gaadhi doonaan xubno ka socda Maxkamada gobolka gaar ahaan qaqybta wareegta,

Cuqaasha,Salaadiinta iyo dhalinyada u xidhan in ay weerareen goobtaasi diwaan galineed ayaa iyagu iska fogeeyey in ay wax lug ah ku lahaayeen dhacdadaasi.

Geeska

COMMENTS
Latest News