Hangoolnews.com
Macalinka Kooxda Liverpool Oo Amaan U Jeediyey Laacib Mario Gotze
March 30, 2016 - Written by Hangool News

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa amaan ugu qubeeyay xidiga kooxdiisa Reds diirada u saaran ee Mario Gotze oo ka tirsan kooxda Bayern Munich, wuxuuna Klopp xidigan ku tilmaamay mid aan caadi ahayn kadib markii Gotze uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo badhigay kulankii xalay ay Germany 4:1 ku xaaqeen xulka qaranka Talyaaniga

Kubbad sameeyahan koobka aduunka ugu guulaystay Germany ayaa liiska xidigaha ugu muhiimsan ee ay Liverpool doonayso ku jira, wuxuuna Klopp doonayaa in uu dhibta Gotze ku qabsatay Allianz Arena iyo kooxdiisa Bayern Munich inuu uga faa’iidaysto sidii uu Anfield u keeni lahaa. Liverpool ayaa xili horeba heshiis la gaadhay difaaca kooxda Schalke04 ee Joel Matip, waxayna sidoo kale Liverpool wadaa qorshihii ay Gotze ku heli lahayd.klopp-gotze

klopp-gotze

Inksta oo uu Klopp amaanay Mario Gotze haddana waxa uu afka ka xidhay in uu tilmaamo in kooxdiisu ay ku jirto qorshihii ay ku heli lahayd 23 jirkan, wuxuuna  Jurgen Klopp oo ka hadlaya qaab ciyaareedkii Gotze ee kulankii Germany iyo Italy uu yidhi: “Farxad ayay aniga ii ahayd in aan maqlo in Mario uu bandhig fiican sameeyay kulankii talaadadii ee Germany, Mario waa ciyaartoy leh tayo aan caadi ahayn. Waxa uu isku dayayaa in uu si buuxda taam u noqdo kadib afar bilood oo uu dhawac la maqnaa”.Klopp and Gotze

Klopp-and-Gotzejj

Laakiin Klopp ayaa ka gaabsaday in uu wax war ah ka bixiyo qorshaha kooxdiisa ee Mario Gotze wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay heshiiska Joel Matip iyo waxyaabaha  kale wuxuuna yidhi: “Laakiin anigu intaas oo kaliya ayaan ka sheegi karaa Gotze, anigu waxaan ku faraxsanahay Joel Matip ama waxyaabaha kale, laakiin ma aha haddii uu Gotze bartilmaameed u yahay Liverpool”

COMMENTS
Latest News