Hangoolnews.com
Kooxaha Waawayne Ee Qaarada Yurub Oo Ku Hirdamaya Helitaanka Laacib Laf Dhabar U Ah Arsenal
March 30, 2016 - Written by Hangool News

MANCHESTER CITY iyo Bayern Munich ayaa kamid noqday kooxaha Barcelona kula xifaaltamaya saxiixa daafaca midig ee kooxda Arsenal ee Hector Bellerin kaasoo ay si weyn ula dhacsan yihiin kooxaha waa weyn ee yurub.

Manchester United iyo PSG ayaa qudheeda qiimeynaya suurogalnimada ay xidigaan uga wadan karaan kooxda Gunners halkaasoo uu kamid yahay liiska magacyada ugu horeeyay ee warqad ciyaareedka macalin Arsene Wenger laakin sida ay qoreyso The Sun oo soo xiganeysa ila wareed Spain ah ayaa sheegeysa in dagaalka ugu adag uu u dhexeeyo PSG, Man City, Barcelona iyo Bayern Munich.

Hector-Bellerin

Hector-Bellerin

Bellerin oo 21 sano jir ah ayaa kamid ah liiska ciyaartooyda uu maclain Pep Guardiola u sheegay iney la soo saxiixato kooxda Man City xagaagan taasoo tartan adag galineysa kooxda Barca oo dooneysay iney daafacaan ku badasho ninka da’da ka daba timid ee Dani Alves kaasoo ku sii jeeda dalka China.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in Gerard Pique iyo Andres Iniesta ay wada hadalo la yeesheen daafacaan markii uu soo dhamaaday kulankii lugtii labaad ee tartanka Chmapions league ee ka dhacay Camp Nou iyagoo ka codsaday inuu ku soo biiro Barcelona laakin lama oga waxay ay noqotay jawaabta Hector, laakin dhibka ugu adag ayaa ka imaan doono in xidigaan uu kooxdiisa kula jiro qandaraas dhacay sanada 2019.

COMMENTS
Latest News