Hangoolnews.com
Wasiirkii Hore ee Caddaalada Somaliland oo Ka Hadlay Sababahii Ka Danbeeyey Iscasilaadiisa
March 29, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Xuseen Axmed Caydiid Wasiirkii hore ee cadaalada Somaliland waxa uu ka hadlay suuro galnimada iyo sababahii keenay is casilaadiisa iyo in uu raali galin ka siyo madaxwaynaha Somaliland go,aankii uu iskaga casiley xukumadiisa,

Xuseen Axmed Caydiid uu sheegay in aanay meesha oolin wax raali galin ah oo uu siiyo madaxwaynaha Somaliland balse uu isagu wax ka tirsanaayo,

Wasiirkii hore ee cadaalada iyo garsoorka oo arimaasi ka hadlaya waxa uu yidhi,

“Runtii waxa xadhig qaloocan nagu noqdey iyada oo madaxwaynahu nagu lahaa sadex sano anigaa musharax ah oo sadexdaa sanoba annuu aan ka mid ahaa ragii ugu horeeyey ee ay Muuse Biixi Is garaacayeen oo aanan anuu musharax ahayne, aan madaxwayne Siilaanyo ilaalinayay in isaga oo aan waxba I waydiin uu igu yidhaahdo Muuse ayaan qaatay oon uga hadhay oon siiyey toban goor oo horena aanu waydiinay oo aanu nidhi madaxwayne Muuse miyaad uga hadhay oo aanu ka hubinay oo uu yidhi taasi ma jirto umaddana uu u cadeeyey in uu musharax yahay yaa dee ilaa shirkii laftiisa uu Muuse gacanta ugu taagay,

 Wax ka horeeya aanu odhan waan ka hadhay hawshaa dee xadhiga qalooca ayuu nagu noqdey adeer talaa dee naga dhaxaysayoo isaga ayaanu sidaa ku dabo joognay oo aanu ku ilaalinaynaye sababta uu nooga tagay in uu noo sheego inuu noo sheego miyayna ahayn, Markaa anuu in aan xaal geeyo ama raali galin geeyo meesha dee kama muuqatee ninka meel ka dhaca tirsanayaa dee waa aniga,”

Xuseen Axmed caydiid ayaa isagu ka mid ahaa raxan wasiiro ah oo xukumada Somaliland iska casiley intii uu taagnaa khilaafkii xisbiga kulmiye ee lagu soo dooranayey musharaxa madaxwayne uga qayb galaya doorashooyinka 2017ka

Halkan Ka Daawo

Hangoolnews.com

Hargeysa/office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News