Hangoolnews.com
Wasiir Xukumada Ka Tirsan Horena uga Mid Ahaa Xisbiga Waddani Oo Ku Dhaliilay Xisbiga Waddani Go,aankii ay Ku Diideen Hakadka La Galiyey Diwaan Galinta
March 29, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Wasiiru dawlaha wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland oo hore uga mid ahaa xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdirashiid Riyo Raac ayaa xisbigaasi ku dhaliilay diidmada iyo go,aankii uu kaga soo hor jeestay in hakad la galiyo diwaan galinta codbixiyayaasha ee haatan ka socota gobolada dalka qaarkood,

Iyada oo shalay la isla afgartay in mudo hakad la galiyo si gurmad loo gaadhsiiyo dadka ay abarruhu saameeyeen ee ka jirta gobolada dalka Somaliland qaarkood,

Wasiiru dawlaha xanaanada xoolaha Somaliland Cabdirashiid Riyo Raac oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi.

“Maanta dhibaatada ayaa dalka ka jirta caam yeeshay oo aan cidina ka bixin markaa in ay maanta yidhaahdaan xibsiga Waddani waxaan isleeyahay fikir sax ah maaha,

Sababtu waxa weeyi hadii dadka iyo duun yaduba madhaan cid doorashoba loo qabto la garan maayo waxa jira wax dastuurkeenu ka hadlaayo oo ku saabsan waxyaabaha jira sida gurmad meel walba laga sameeyo waxa la yaab leh xisbiga Waddani waxa uu ogolaa iyada oo aan dhibaato jirin in la kordhiyo abaarna jirin waxbana jirin ayay ogolaadeen in sanad la kordhiyo,markaa maanta cidina ka garowsan mayso bil la hakiyey diwan galinta oo aan doorasho dib u dhigayn oo abaar iyo dhibaato keentay ayaan diidaynaa cidina ka yeeli mayso,”

Wasiiru dawlaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabahii ay xisbiga Waddani uga tageen isaga iyo masuuliyiin hore iskaga casiley xisbigaasi ay ka mid ahayd sababaha maanta taagan ee ay kowda ka tahay mudo kordhintu,

“Arin kalena laga garowsan maayo hadii qaranku isku yimaado oo talo qaran yeesho waxaynu ognahay in labadii gole baarlamaan ayaa joogey komishankii ayaa joogay golahii xukumada ayaa joogay markaa sadexdii xisbi qaran ayaa joogey dee meel ka saraysa oo go,aan lagu gaadhay intaasaa madaxwaynahu iskugu yeedhay meel ka saraysa oo goaan lagu gaadho may jirin, kaligoodbaanay ka hor yimaadeen,”

Markaa anuu waxaan isleeyahay si fudud ayay ku dhaaftey may ahayn wax ay ku gar helayaan xusbiga Waddani runtii anigu uma arko in ay talaabo wanaagsan qaadeen maanta may ahayn maalintii doorasho iyo diwaan galiyo dee doorasho, maanta maba jirto waa diwaan galin diwaan galintana bil baa la hakiyey mudo dheerna waa la haystaa markaa in diwaan galin maanta laga horeysiiyo dhimashada dadka waxa aan leeyahay mudo bil ah ma wanaagsana markaa Waddanina waxaan leenahay markii hore dhib may ahaynoo waa tii la kor kor dhinayee dee anaga laftigayagu asbaabahii xisbiga laftiisa bur brurku ugu yimid bey ahayd.”

Cabdirashiid Riyo Raac ayaa isagu hore uga mid ahaa xisbiga Waddani ka hor intii aanu iska casilin badhtamahii sanadkii aan ka soo gudubney ee 2015kii

Hangoolnews.com

Hargeysa/office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News