Hangoolnews.com
Diyaarad Rakaab oo Laga Leeyahay Dalka Masar oo La Afduubey
March 29, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Diyaarad ay leedahay shirkada diyaaradaha Egypt Airline ayaa koox budhacad ahi afduubtey iyada oo lagu qasbay in ay ka degto jasiirada Qubrus,

Diyaaradan oo nooceedu ahaa air Bus 320 ayaa ka soo duushay garoonka diyaaradaha ee magaalada Al exsandariye una socotey magaalada Qaahira ee caasimada dalkaasi,

Photo file Egybtair

Photo file Egybtair

Mid ka mid ah afduubayaasha ayaa sheegay in uu xidhan yahay jaakada wax lagu qarxiyo taasina ayb u sahashay in ay si toos ah ula wareegaan kooxdaasi maamulka diyaarada,

Duuliyaha Diyaarada ayaa sheegay in rakaabka ay u sheegeen in nin xiran jaakadaha qarxa uu diyaarada saaran yahay, isla markaana lagu qasbay inuu ku dego Jaziirada Qubrus.

Maamulka diyaaradaha Egpt Air ayaa waxa sheegeen in diyaarada rakaabkii saarnaa la sii daayey marka laga reebo shaqaalaha diyaarada iyo sidoo kale shan ka mid ah rakaabkii diyaarada oo dhalashadoodu ka soo jeedo dalka Uk, magaca afduubaha diyaarada ku sheegay Ibrahim Samaha, illaa iyo hada afduubkan lalama xiriirin fal argagixiso,

Garoonka diyaarada lagu dajiyey ayaa aad loo adkeeyey iyada oo lagu wareejiyey ciidamo iyo gaadiid gaashaaman waxaana guud ahaanba la joojiyey duulimaadyadii ka soo dagayay garoonkaasi,

Hangoolnews.com

Hargeysa/office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News