Hangoolnews.com
Xisbiga Waddani oo Diidey in Hakad La Galiyo Diwaan Galinta Codbixiyayaasha si Gurmad Loo Gaadhsiiyo Dadka ay Abaaruhu Saameeyeen
March 28, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–ayada oo kulan ay maanta Aqalka madaxtooyada Somaliland iskugu yimaadeen sadexda gole qaran iyo komishanka ayaa waxa la isla qaatay in mudo sadex bilood ah Hakad la galiyo diwaan galinta si gurmad deg deg ah loola gaadho dadka ay abaaruhu saameeyeen ee Somaliland,

Shirkan ayaa waxa qaadacay oo ka soo baxay xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo sheegay in ayna ogolayn in hal maalin hakad la galiyo diwan galinta codbixiyayaasha qaranka,

Gudoomiye kixgeenka koowaad ee xisbigaasi Axmed Muumin Seed oo ka hadlaya waxa uu yidhi,

“Shir ay iskugu yimaadeen sadexda xisbiga qaran labada gole oo madaxwaynuhu shir gudoominayay waxaad ogtihiin in diwaan galintii dalka ka socotey sadax gobol ooh ore waa la soo maray sadex gobol baa hadhay xukumadu yadoo marka hore ka cago jiidaysay diwaan galinta waxa ay hadana maanta soo dhigtey in sadexda gobo lee hadhay dib loo hakiyo,”

Geesta kale mar uu ka hadlayay Axmed Muumin Seed sababta uu xisbigoodu u diidey hakadka la galiyey diwaan galinta si loo caawiyo dadka abaaruhu ay halakeeyeen waxa uu yidhi

“Anagu ka Waddani ahaan arinkaa mawqifkayagii waanu gudbinay mana yeelayno mana aqbalayno wax dib loo dhigayaana ma jiro gobolada ugu abaarta xun Awdal iyo Salal ayay ahaayeen oo madaxwayne ku xigeenku waliba codsaday Lughaya in Bill dib loo dhigo waa lagag diiday tii uunbaan maantana anagu is adkaynaynaa, goboladana look ala eexan maayo goboladu way siman yihiin,”

Ugu danbayn Axmed Muumin Seed waxa uu sheegay in ay fariin u dirayaan komishanka si ay u sii wataan diwaan galintooda ayaa yidhi<

“Waxa aanu anagu komishanka doorashooyinka qaranka ku boorinaynaa in shaqadoodii khamiista ahayd ee diwaan galinta ay ka bilaabmaysay Hargeysa ay si doodii u sii wataanm mawqifkayagiina komishankana waanu u gudbinay xukumadana waanu u gudbinay”

Diidmada xisbiga mucaaridka ah ee Waddani uu kaga soo hor jeestay in hakad la galiyo mudo sadex bilood ah diwaan galinta ayaa imanaya xili ay dadka ka jiraan abaaro keenay in ay dad gaadhaya tobaneeyo ku dhintaan dalka una baahan gar gaar deg deg ah si loo bad baadiyo nafaha dadka ,

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News