Hangoolnews.com
“Waxaa la Go,aan sadey in Diwan Galintiina La Hakiyo Awoodeena oo Dhana aynu Iskugu Gayno Abaarahaa iyo Gurmadka Deg Dega ah ee Dadkeena,”Gudoomiyaha Guurtida
March 28, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay kulankii maanta madaxtooyada ku dhex maray sadexda gole qaran iyo komishanka qaranka doorashooyinka dalka,

Gudoomiye saleebaan waxa uu sheegay in ay si wanaagsan golayaasha qaranku u shireen isla markaana ay Go,aan cad isla qaateen si loogu gurmado dadka ay abaarahu saameeyeen,

Saleebaan Maxamuud Aadan gudoomiyaha golaha guurtida oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.

“Waxaan jeclahay in aan idhaahdo madaxdii qaranku waa shireen golayaashii qaranku u igmadey in ay mataal waa shireen,

Waxaana la go,aan sadey in diwan galintiina la hakiyo awoodeena oo dhana aynu iskugu gayno abaarahaa iyo gurmadka deg dega ah dadkeena iyo dalkeenaba intaasaa la go,aan saday qaramkoo dhana waa kasoo qayb galay wax kale oo aan ku daraana ma jiro waa mahadsan tihiin,”

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News