Hangoolnews.com
War Deg Deg ah Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo Codsi u Gudbiyey Madaxwayanaha Iyo Sadexda Xisbi Qaran
March 28, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnewsw:–Komishanka doorashoyinka qaranka Somaliland ayaa u gudbiyey sadexda xisbi qaraniyo sido kale madaxwaynaha Somaliland u gudbiyey codsi ku saabsan in dib u dhigis lagu sameeyo hawla diwaan galinta codbixiyayaasha oo haatan maraysa gobolkii sadexaad gabo gabo ku dhow yahay,

Codsigan komishanka ayaa waxa ay u sababeeyeen abaaraha ba,an ee dalka ka jira awgeed taasi oo mar marka ka danbaysa ka sii daraysa,

Waxaanay sheegeen in aanay suuro gal ahayn in waxii intaasi ka danbeeya ay wakhti xaadirkan sii wadaan hawlaha diwaan galinta codbixiyayasha Somaliland,

Komishanka ayaa dhanka kale sheegay In dadka ay abaarahu saameeyeen u baahan yihiin taakulayn isla markaana hawla kale la joojiyo si gacan looga gaysto dadka ay abaarahu saameeyeen ee gobolada Somaliland,

Wararka ayaa sheegaya in xisbiyada Ucid iyo Kulmiye ay aqbaleen dib u dhigista diwaan galinta codbixiyayaasha balse ilaa iyo haatan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaan kasoo jawaabin codsiga Komishanka doorashooyinka qaranka,

Ilaa hada ma cada talaabada tan xigta ee la qaadayo hase yeeshee todobaadka soo socda horaantiisa oo ku began labada bisha afraad ayaa la filayaaa in ay gobolka Maroodji Jeex ka bilaabanto diwaan galinta codbxiyayaashu,

Hangoolnews.com

Burco/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News