Hangoolnews.com
Ummad Yahay Waa Kaasi Xusbiga Wadani Ma Arkaan Macaluusha Iyo Abaarta Saddex Jir Satey Ee Kursiguun Baa U Muuqda!!!!!
March 28, 2016 - Written by Hangool News

Waxa jirey nin ayaa bahalkan bakayLe  uun arkey kolkaas ayuu indha beelay, haddii maroodi laga hadlayo wuxuu yidha miyuu leg yahay bakeylahaa ileen bakeyluun buu arke……iminka xusbigii wadani maba oga in wadankan Somaliland ay abaar saddex jiri jirto oo dad iyo duunyaba la macaluulayo oo arintu gaajo dhaaftey.

Macaluushu waa marka ay gaajo dhaafto ee qofka iyo xooluhu ay jidhkooda dib u cunaan waa macaluul waliba dhowr cisho ka dib waa loo dhinta sida maanta ka taagan galbeedka iyo bari fog ee Somaliland kuwa kalena ma dhamaan.

Waxa hadaba ummadda Somaliland la gudboon in xusbiga wadani ee garan la’ in dalkii macaluulu jirto ay geed ku xidhaan,oo la takooro ileen waa cadawe oo ummadan baqtiyeysa ayuu rabaa in calamo cascas oo kuwii shuucigii gaajadda ahaa uu dul sudho oo uu ka dul heese.

Garashadda horyaalka xusbiga wadani waa taasi SEED iyo INA UURCADE waxay garan kari wayeen in abooro saddex jirsatey uu dalku ku jiro.

Waa xusbi ka fag naxariista iyo taakuladda ummadda jilicsan waxa u muuqda oo kaliya kursi.

Horana waxaynu u ogeyn in ay sadaqadii ay siyaasadeeyeen oo ilaahayba inoogu cadhoodey kolkey sadaqadda siyaasadeeyen sida Wadani la afur.

Waxaan leeyahay ilaahay Xusbiga calanka cas ee gaajadda iyo shuuciga sita ilahay ha inaga qabto Amiin….Amiin…Amiin….

Mahadsanid

Mahdi Haji Ahmed

somalindhore@gmail.com

COMMENTS
Latest News