Hangoolnews.com
Pakistan 70 Qof oo Ku Dhintey Weerar Ismiidaamin Ah
March 28, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnewsw:–Qarax xoogan oo shalay ka dhacay dalka Paakistaan ayaa waxa ku dhintey 70 qof iyada oo dad gaadhaya 300 oo qofna ay ku dhaawacmeen,

pakistan

Masuuliyada qaraxaasi ayaa waxa sheegtey kooxda lagu magacaabo Jamciyatul Axraar oo ka go,dey kooxda Daalibaan,

Xukumada dalka paakistaan ayaa heegan galisey guud ahaanba cusbitaalada dalkaasi waxaana ay sidoo kale ku dhawaaqdey sadex cisho oo baroor diiq ah,

Badibad dadka ku dhintey qaraxyadaasi ayaa waxa u badnaa masiixiyiin u dabaal dagaysay munaasibad Easter Holidey loo yaqaan,

Qaraxan ayaa sida ay goob joogayaal xaqiijiyeen waxa u badnaa dadka ku dhuntey Haween iyo caruur

Madaxda caalamka ayaa cambaareeyey weerarkaasi ay ku dhinteen ku dhawaad 70 ruux aynna ku dhaawacmeen in ka badan 300 oo ruux,

Kooxda Jamciyatuo Axraar ayaa  hore ugu hanjabtay in ay fulinayso weeraro noocan oo kale ah,

Hangoolnews.com

Burco/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News