Hangoolnews.com
Jamaal Arintiisu Waxay Noqotey Cudurka Kaa Gala Fardaha Ee Laga Gubo Dameeraha!!!!!
March 28, 2016 - Written by Hangool News

Waxa jira cudur ku dhaca fardaha oo dameeraha oo cudur ku dhicin laga gubo hada dameerku cudur ma qabo hadana isaga laga gubey oo dhibkii lala soo doontey.

Maanta Jamaal waxa cadaatay inaanu siyaasad shaqo ku lahayn oo aanu garaneyn in xusbiga kulmiye iyo taageerayashiisu aaney ogoleyn in Ucid guuleysato oo tartan ka dhaxeeyo sadexda xusbi.

Jamaal cabashada iyo baroorta uu barooranayo iyo calaacalka uu kula soo dul dhacayo Muse Biixi iyo Maxamuud Aw Saciid waxa ku dhaami lahayd isagoo xalila khilaafka xusbiga ucid.

Faysal cali warabe wuxuu taagan yahay musharax maaha sababtuna? dee marku sharaxna ucid waxaanu ahayn urur oo iminkana xusbi baanu noqoney.

Waa runtii urur musharax lama sameeyo ee xusbi ayaa musharax la sameeya kolka dee ha tartamo oo xusbiga ucid ha ka dhex tartamo.

Waa la wada ogyahay in 3 xusbi ee hore u jirey ay dib ururo u noqdeen oo waliba udub uu saaxadda ka baxay.

Tan kale maaha jamaal inuu ceebta xusbigiisa dad kale kula soo gal gasho,ka waran hada loo gar dhigto oo ninka taajirku u gar dhigto?????

Jamaal talo ayaan siinaya waad ku fashilantey siyaasadda Somaliland shaley baad Udub baabi’isay maanta ucid baad u socota ee baroorta iska daa oo ka dhex tartan Ucid.

Waxa jirte reer meel cidla ah dagan ayaa warabe dhala helay kolka ayey soo qaadeen lax dhashay ayey jaqsiiyan,malintiina maqasha ayuu waraabaha dhashi la jooga,habeenkiina xaradda maqasha ayuu la seexda,wuu korey oo adhiga la raaciyey,maalin danbe ayuu adhigii ay raxan waraabayaali soo weerareen,waraabihii la soo korsaday marku arkey waraabayashu sida weerarka ugu wadaan adhigii ayuu warabihii koriyeyna dhiniciisa ayuu kaga qabtey meelkaba muu tagine laxdii uu caanaheeda jaqi jirey,ee uu ku korey,ee hooyada u ahayd ayuu weerarey oo uu cuney.waxa aad ula yaabay waraabayashii kale oo ku yidhi maad laxaha kale cuntid,wuxuu yidhi iyada caano macaneyd.

Wax aan leehay jamaal  ma diga cid waraaba ku sheegi kara oo waliba dadkii wadankan u soo halgamey ee tariikhda ku leh waraabo ku sheegi kara tan kale jamaal maxaa lagu daarta?

<>Ma waxaan kugu doorana Fadxiya Fiski baan heeso u sameeyey?

<>Ma waxaan kugu doorana diwaanka qosolkaan qorey?

<>Ma waxaan kugu doorana bank ayaan ka shaqeeyey?

<>Ma waxaan kugu doorana marshafyadda heesaha ayaan camira?

<>Ma waxaan kugu doorana xafladaha iyo qoob ka ciyaarka ayaan badan doona.

Tariikhda Jamaal waxay dhaafi waydey intaas,waxa og yahay in ragii Schoolka Farax Omar ee uu ku jirey ay dhamaan SNM wada galeen isna xamar ayuu joogey.

Maxaan jamaal ku doorana wax taariikha halgankii iyo dhisida wadanka midna kuma lahide.

MAHADSANID

ABDI ALI JAMA

LONDON

daljire99@gmail.com

COMMENTS
Latest News