Hangoolnews.com
Deg Deg Diwaan Galinta Codbxiyayaasha Somaliland oo Hakad La Galiyey iyo Mudada Dib Loo Dhigey
March 28, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Aqalka madaxtooyada Somaliland ayaa waxa uu maanta ka dhacay kulan balaadhan oo lagaga arinsanayey sidii dib loogu dhig lahaa diwaan galinta codbixiyayaashu oo ay codsadeen komishanka ayaa waxa la isla qaatay in mudo Sadex Bilood ah dib loo dhigo diwaan galinta codbixiyayaasha,

Go,aankan ayaa  isla qaateen marka laga reebo xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo isagu diiday in dib u dhigis lagu sameeyo hawlaha diwaan galinta,

Soo jeedinta dib u dhigista oo ay iska lahaayeen komishanka iyaga oo ku sababeeyey in dalka waxii intaas ka danbeeya aan laga qaban Karin wax diwaan galin ah abaaraha daran ee dalka ka jira awgeed

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani iyo Xogahaya Guud ee xisbigasi ayaa waxay si cad u diideen go,aankaasi la isla gartay iyada masuuliyiinta xisbiga Waddani ay ka dareereen goobtii shirku ka socdey.

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News