Hangoolnews.com
War Deg deg ah Faysal Cali Waraabe oo Sheegay in aanu Xisbiga Ucid Musharax Ka Ahayn Jamaal Cali Xuseen
March 27, 2016 - Written by Hangool News
Faysal and Jamaal

Faysal and Jamaal

Hangoolnews:–Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee ucid eng faysal Cali Waraabe waxa uu markii ugu horeysay si cad u sheegay in xisbiga uu gudoomiyaha ka yahay aanu musharax ka ahayn Jamaal Cali Xuseen,

Gudoomiyaha hadalkiisa uu ku sheegay in Jamaal aanu musharax ka ahayn sabab uga dhigay in uu xiligii musharax laga dhigay xisbiga Ucid uu ahaa urur siyaasadeed isla markaana ay dhawaan qaban doonaan shirwaynahii golaha dhexe ee xisbigaasi halkaasna lagu soo dooran doono musharaxa madaxwayne,

Faysal oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi,

“Jamaal Cali Xuseen Maaha Musharax yaa idinku yidhi waa musharax, Maalintii anu musharaxa ka dhignay xisbibi maanu ahayn hadii uu musharax noqdana xisbiga ayuu ka soo bixi doonaa”

Geesta kale Faysal Cali Waraabe oo wax laga waydiiyey xidhiidhka ka dhaxeeya xisbiga Kulmiye iyo isaga ayaa yidhi,

“Xisbiga iyo xukumada danbaa naga dhaxaysa imika shirbaaba aanu wada galaynaa markaas dano gaar iyo kuwa guud ayaa naga dhaxeeya ee ma ceebaa taasi,”

Hadalkan ayuu faysal ka sheegay xili uu maanta warbaahinta ugu waramayay huteel maansoor ee magaalada hargeysa.

Hangoolnews

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News