Hangoolnews.com
Somaliya oo Biyaha Badda Somaliland u Fasaxday Maraakiibta Kaluumaysiga Dalka Masar
March 27, 2016 - Written by Hangool News

Photo File hesiisha Badda Cas ee Somaliya iyo Massar

Photo File hesiisha Badda Cas ee Somaliya iyo Massar

Hangoolnews:–Xukumada Somaliya iyo xukumada dalka Masar ayaa kala saxeexdey heshiis dhinaca kaluumaysiga badda ah ku kala saxeeday magaalada Muqdisho ee xarunta u ah dalka Somaliya Khabiir Maxamed Fadti Cismaan oo ka shaqeeya hawlaha khayraadka dalka masar ahna la taliyaha wasiirka beeraha,

Xukumada Somaliya ayaa heshiiskan u gashay sidii wax ay gacanta ku hayso biyaha Badda cas ee xeebaha Somaliland,

Wasiirka beeraha dalkaasi ayaa markii uu heshiiskan saxeexay waxa uu ugu bushaareeyey masaarida kaluumaystada ah in ay biyaha Badda cas ee somalida ka soo kaluumaysan karaan maadaama ay ogolaansho ka haystaan xukumada federaalka ah ee dalka Somaliya,

Dhinaca kale dhawaan ayay Qaramada Midoobay waxay wasiirkii hore ee Kaluumaysiga ee UK Tony Baldry ku eedaysay inuu bixiyo rukhsado maraakiibta kaluumaysiga u ogolaanaya inay ka kaluumaysan karaan badda Somaliland taasoo ay Qaramada Madoobay ku tilmaantay arin kaluumaysatada  reer Somaliland ku dhiiri galin karta inay budhcad badeed noqdaan marka maraakiibta shisheeye ay xaalufiyaan baddii ay quutal daruuriga ka heli jireen.Mr Baldry ayaa isagu ku dacwooday inuu bixinta rukhsadaha ogolaanshe uga haysto xukuumadda Somaliland iyada oo qaadanaysa kharashka ka soo baxa 40%,

Xukumada Somaliland ayaa iyaduna dhinaceeda waxa ay ruqsado siisaa maraakiib kala duwan oo laga leeyahay dalkaasi masar iyo sidoo kale dalalka Yamen iyo Iraan,

Ilaa iyo haatana kama aysan hadlin hesiishka ay xukumada federaalka ah ee dalka somaliya kula gashay biyaha Somaliland wasiirka beeraha ee dalka masar oo isagu warbaahinta u sheegay in ay somaliya hesiish ka gaadheen ka kaluumaysiga Biyaha Baddaha Somaliya.

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News