Hangoolnews.com
Somaliland oo Nin Ajjaanib ah u Magacowdey Xil Muhiim ah
March 27, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland ayaa markii ugu horeysay qof aan u dhalan somaliland u magacaabay xil muhiim ah oo ku saabsan arimaha aqoonsi raadiska somaliland,

Photo File Mikeal iyo Sacad

Photo File Mikeal iyo Sacad

Dr Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in Mikael Torstensson oo dhalashadiisu ay ka so jeedo dalka Sweden u magacaabey xubin sharafeed Somaliland kala shaqeeya arimaha aqoonsi raadiska ay Somaliland baad ugu jirtey 25 sanadood ee ay goonideeda isku taagtay,

Wasiirka oo ka hadlayay minaasibada lagu shaacinayay xilkaasi ayaa waxa uu sheeegay in uu Mikael oo hore ula shaqayn jirey somaliland uu si toos ah haatan ula shaqayn doono wasaarada arimaha dibada somaliland,

Dr Sacad Cali Shire oo ka hadlayay Xafladii shaacinta xilka ninkaasi loo magacaabey waxa wasiirka hadaladiisii ka mid ahaa,

“waxa halkan nala jooga Mikael Torstensson, Mikael waxa weeyi nin swedish ah waana saaxiibada Somaliland ugu wayn ee ay ku leedahay Yurub waxaan doonayay fursadan horta in aan uga faa,iideeyo oo aan uga mahad celiyo hawlahii badnaa ee uu Somaliland u soo qabtey Mikael Torstensson ,

“Mikael  waxaanu u magacownay wakiiil sharafeed qaarada Yururb ah in uu nooga noqdo EU da khaasatan oo uu ku leeyahay saaxiibo faro badan dhinaca saxaafada  warbaahinta iyo dhinaca siyaasiyiintaba ah,

Mikael wakiilkeena swedhen ee rasmiga ah maaha wakiil rasmi ah ayaynu ku leenahay swedin oo inoo jooga rooda ayaa la yidhaahdaa laakiinse isagu waa wakiil sharafeed la shaqayn doona wakiiladeena maaha ka Sweden oo kaliya ee kuwa yurub oo dhan”

Geesta kale waxa isagu hadalo kooban goobtaasi ka jeediyey Mikael Torstensson oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay booska loo dhiibay waxaanu sidoo kale sheegay in aad ugu farxsan yahay la shaqaynta Somaliland,

Mikael Torstensson oo arimahaasi ka hadlaya waxa ka mid ahaa hadaladiisii

“Aaad ayaan ugu farasanahay goobta la ii dhiibey waxanan kusii faraxsanahay la shaqaynta Somaliland anuu waxaan aaminsanahay in dadka Somaliland ay wax qabsadeen sidaa darteedna ay xaq u leeyihiin in ay helaan madax banaani iyo aqoonsi,”

Mikael Torstensson ayaa isagu hore somaliland ugala shaqayn jirey dhinacyo kala duwan inkasta oo aanu xil ku magacownayn.

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News