Hangoolnews.com
War Deg Deg Ah Khilaafkii Xisbiga Ucid oo Meel Adag Maraya iyo Jamaal Cali Xuseen oo si Kulul uga Jawaabay Hadal Maanta Ka Soo Yeedhay Faysal Cali Waraabe
March 27, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:– Jamaal Cali Xuseen Musharaxa jagada madaxwayne ee xisbiga Ucid waxa uu ka jawaabay hadal maanta ka soo yeedhay gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe kaasi oo hadalka Nuxurkiisu ahaa in Jamaal Cali Xuseen aanu musharax madaxwayne ka ahayn xisbiga Ucid,

Jamaal waxa uu si adag uga jawaabay weedhahaasi ka soo yeedhay Faysal Cali Waraabe gudoomiyaha xisbiga ucid, Isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi

“Arinta khilafka xisbiga Ucid waxaanu la tagi doonaa dhinaca sharciga, hadii uu sharcigu noo shaqayn waayana waxay nagu kalifaysaa waxii rag samayn jiray in aanu samayno qofka bini aadamka ahna hadii la dhibo oo gar daro loola tago waxbuu iska celiyaa,

“Markaa faysalow adiga iyo kuwa dabada kaa riixayaba ee Muuse iyo Maxamed Aw Siciidna waanu iska celin doonaa, adiguna gudoomiye noo noqon maysid Faysal Cali Waraabena Waxii rag kale yeeli jiray ayaanu kala yeeli doonaa”

Hadalka Jamaal ayaa ka danbeeyey kadib markii uu maanta faysal Cali Waraabe markii ugu horeysay si toos ah u sheegay in xisbiga uu gudoomiyaha ka yahay aanu musharax madaxwayne ka ahayn Jamaal Cali Xuseen.

Hangoolnews

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News