Hangoolnews.com
Xildhibaan Nac-nac oo Ka Hadlay Tallaabadii Hogaanka Xisbiga Kulmiye Xubinimadii Xisbiga Kaga Sareen Shan Xubnood oo Kamida Garabka Isbahaysiga KULMIYE
March 26, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka tirsan Mudaneyaasha aqalka wakiiladda Somaliland, ayaa soo dhaweeyay  tallaabadii xisbiga KULMIYE lagaga saaray shan xubnood oo ka tirsanaan jiray xisbigaasi isla markaana ahaa Wasiirradii iska casilay xukuumadda dabo-yaaqadii sanadkii hore.

Xildhibaan Nacnac  oo ka mid ah Mudaneyaasha ka soo baxay xisbul xaakimka KULMIYE ee laga soo doortay gobolka Maroodi-jeex, waxa uu sheegay inay sharci tahay tallaabada xubinimadii xisbiga lagaga saaray shan xubnood oo ka mid ahaan jiray Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxaana uu yidhi.

“Waan soo dhaweynayaa tallaabada xisbiga KULMIYE lagaga saaray shan xubnood. Xubnahani laba khalad ayay galeen. Khaladka hore waxa uu ahaa inay iman waayeen shirkii Golaha dhexe ee xisbiga. Haddana waxay la baxeen isbahaysi oo aan  sharci ahayn oo aan dalkaba ka jirin,”ayuu ku dooday Axmed Maxamed Diiriye. Xildhibaan Nacnac.

Xildhibaan Nac-nac waxa uu xusay in ay ahayd in xilli horeba laga saaro xisbiga xubnahan waxaana uu yidhi.

“Waxay ahayd in laga saaro xisbiga wakhti horeba, tallaabadanna waa laga tashaday, waana mid sharci ah.” “Haddii ay xisbi kale wada hadal la fureen waa sax in xisbiga  laga saaro,”ayuu  yidhi  Xildhibaan Nac-nac

Siyaasiyiinta garabka isbahaysiga KULMIYe ee Dhawaan  xisbiga laga saaray ayaa kala ahaa Dr Cabdi Aw Daahir Cali, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Xuseen Axmed Caydiid, Faarax Cilmi Geedoole iyo Cali Cabdi Saa’iq, waxaanay ka mid ahaayeen Wasiirradii iska casilay xukuumadda ee ka biyo diiday in Murrashaxnimadda madaxweynaha xisbiga KULMIYE kooto loogu xidho isla markaana aan lagula tartamin Muuse Biixi Cabdi oo xilka Murrashaxa xisbiga loo doortay  10 November 2015, halka Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) isna loo doortay murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenka KULMIYE uga qeyb geli doona doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan Bisha March ee 2017-ka.

Xubnaha isbahaysiga  dimuqraadiyad doonka KULMIYE, ayaa war wartiyeed  ay soo saareen waxay ku tilmaameen tallaabadii xisbiga lagaga saaray shan xubnood mid sharci darro ah oo ka turjumaysa siyaasadda gurracan ee Muuse Biixi Cabdi, iyada oo dhanka kalena xalay ay ka jawaabeen hogaanka xisbiga KULMIYE war murtiyeedkaa isla markaana ay xilkii iyo xubinimadii xisbigana mar-labaad ka saareen gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE xildhibaan Waabeeyo iyo gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee KULMIYE mudane Talyanle oo kamida garabka isbahaysiga.

Si kasteba ha ahaatee arinkan ayaa waxay noqotay jawaab iyo jawaab celin ka dhaxaysa hogaanka sare ee xisbiga KULMIYE iyo garabkii qaaday doorashadii ka dhacday xisbiga ee la magac baxay garabka isbahaysiga KULMIYE taasi oo hadal haynteeda badatay.

Hangoolnews.com

Hargeysa/office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News