Hangoolnews.com
Abaaraha Ka Jira Dalka Awgeed oo Keenay in ay is Cunaan Xoolahii Iyo Adhi Isku Cunay Gudaha Magaalada Hargeysa
March 26, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Dadwaynaha ku dhaqan xaafada boqol jire ee badhtamaha magaalada hargeysa, isla markaana ah xaafad ay ku nool yihiin dad danyar ah, oo xoolo dhaqato ah ayay soo foodsaartay abaar baahsan oo isku jira biyo la’aan, iyo baad la’aan, taasi oo galaafatay nafaha xoolo badan oo ay dhaqan jireen dadkaasi.

Hooyo Aamina Ibraahin Warsame oo ka mid ka ah hooyooyinka ku nool xaafada Boqol jire ayaa ka sheekaysay xaaladda abaartu ku yeelatay nololmaalmeedkeeda, waxayna sheegtay inay lahayd xoolo tiro iyo badh ah isla markaana gaajo iyo haraad darteed  isku cuneen xoolaheedii, wakhti xaadirkana ay nool yihin toban neef oo kaliya.

Hooyo Aamina oo arrimaha ka sheekaynaysa waxay tidhi “Waxaan idin sheegayaa adhigaygu tiro iyo badh ayuu ahaa inay tobankaa neef ka hadheen oo is wada cunay, lo’daydu labaatan ayay ahayd, labada halkaa fadhiya ayaa ka hadhay, xoolo dhaqato ayaanu ahayn cidna maanu baryayn, xoolahayagii yaraa abaar darteed ayay naga dhamaadeen. Dadkuna waa ku daba jiraa haddaan gurmad nala soo gaadhsiin”Ayay tidhi hooyo Aamina

Sidoo kale, Hooyo Aamina Ibraahin ayaa xukumadda, ganacsatada  iyo umadda reer Somaliland ka codsatay inay gurmad degdeg ah u soo fidiyaan “Dawlad noo timi oo na soo eegtay ma jirto, dadbaa aqalada ku jira oo aan wali guryihii ka soo bixin gaajo darteed, xukumadda, ganacsatada iyo umadda reer Somaliland. Waxaan leeyay dadkiinii ayaanu nahay oo jilicsane hoos noo soo eegaa oo gurmad noo soo fidiya, neefkan aan gacanta ku hayna adhiga ayaa cunay oo wad aragtaan dhogortii siday uga daadiyeen oo jiidhkii dabada u yaalla.”Ayay tidhi Hooyo Dhanka kale, Safiya Muxumed Xaashi oo iyaduna ka mida dadwaynaha xaafada ayaa noo sheegtay inay biyo la’aan baahsan ay ka jirto xaafadan isla markaan ay masaafo dheer u soo gashay sidii ay biyo u soo heli lahayd

“Saaka (shalay) salaadii ayaan soo baxay waxaan tagay xaraf, dameerkaa ayaan biyo ku doontay, caruurtiina meel bay ku bakhtiyaysaa, gabadh umula meel baan kaga tagay biyihii aan masaafada dheer u soo galay, waan soo waayay oo way wada madhan yihiin, biyo la’aan ayaa na haysata,waxaan u baahan dad jilicsan ayaan nahaye in hoos naloo eego oo nala xaal ogaado oo gurmad nala soo gaadhsiiyo.”ayay tidhi Safiya

COMMENTS
Latest News