Hangoolnews.com
“Ninkaa Muuse Biixi Dabada Ka Wada ee Somaliland oo Dhami Ka Aamusan Tahay Dalkan oo Dhana Dheeraad Ku ah Maalkiisuna Fidno Ku Yahay Dalkan Somaliland Waa,”Jamaal Cali Xuseen
March 25, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Musharaxa  madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee ee UCID Jamaal Cali Xussen ayaa waxaa uu sheegay in khilaafka xisbigaaasi ragaadiyey  ay masuul ka yahiin ganacsato reer somaliland

Jamaal Cali Xussen oo maanta warbaahinta kula hadlaayey hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in Gudoomiye Muuse Biixi oo tageero ka helaya Maxamed Aw Siciid  uu doonayo in uu Xisbiga UCID baabiyo sidii uu Kulmiye u soo baabiiyey waa sida uu hadalka u dhigee waxaana uu yidhi

“iyada oo aynu si cad u ogeyn isla markaana aanay ka qorsooneen in Muuse si badheedh ah u baabiinayo xisbiga UCID  sidii uu Kulmiye u soo baabiiyey una lahaa hebel iga reeba  in uu doono in uu xisbiga Ucid na yidhaahdo musharax aan rabo ayaan sameysanayaa waraabe u taag ah waana dhaqan siyaasadeed oo aynaan arkin waligeen isla markaana uu ka muuqdo kalitalis nimo .

waxaana aan leeyahay Muusoow cid aad dooneysid kula tartami meyso  ee raginimadaada la  kaalay” ayuu yidhi Jamaal Cali Xussen

Dhinaca  kale musharaxa  oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in ay wax kasta kaga daran tahay  nin ganacsade ah oo maalkiisa ku bixinaaya sidii  uu xisbiga UCID u baabiin lahaa isla markaana musharaxnimada Muuse  dabada ka wada waxaaana uu yidhi

“Ninkaa Muuse Biixi dabada ka wada  ee  Somaliland oo dhami ka aamusan tahay Dalkan oo dhana dheeraad ku ah maalkiisuna fidno ku yahay dalkan Somaliland waa ninka la yidhaahdo Maxamed Aw Siciid  , ina aw Siciid oo ganacsade ah waxaaa uu iska takooray ganacsatadii  kale  waana nin siyaadadii faraha la galay  waa nin raba cida uu isagu doonayo in ay kursiga fuusho.

“Waa la arki jiray in cid la taageero balse in  uu yidhaahdo  waa in cid kale la soo burburiyo waa wax cusub ,    Maxamed Aw siciid waxaa uu kow ka yahay shirqoolka xisbiga Ucid lagu bur burinaayo waana ninka maalka soo dhiibaya ee fidnada ah waxana aan maanta halkan ugu sheegaya raga hadii aad godob  ka gashid ha filin in aad sidaas maalkaagu u sii socon doono ” ayuu hadalkiisii  ku soo  gabo gabeeyey Jamaal Cali Xussen musharaxa Madaxweyne ee xisbiga UCID.

Halkan Ka Daawo

Hangoolnews.com

London/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News