Hangoolnews.com
Lix Qof Oo Loo Xidhay Qaraxyadii Dhawaan Lala Eegtay Caaasimada Dalka Biljimka
March 25, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Magaalooyinka Paris iyo Brusels ayaa waxa lagu qab qabtay dad looga shakiyey in ay qorshaynayeen weeraro argagixiso gudaha labadaasi caasimadood,

Caasimada faransiis ayaa waxa ugu horayn lagu qabtay nin looga shakiyey in uu wado qorshe uu ku fulineyey weeraro todobaadkan gudahiisa lala damacsanaa in laga fuliyeo caasimada Paris,

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Bernard Cazeneuve, ayaa sheegay in la fashiliyay qorshe gaba-gabo ku dhawaa oo weerar lagu geysan rabay kaddib markii la qabtay ninkaasi.

Dhanka kale saraakiisha amaanka dalka Biljimka ayaa waxa ay sheegeen I ay gudaha dalkaasi ku xidhi xidheen ugu yaraan lix qof oo looga shakiyey in ay ku lug lahaayeen qaraxyadii todobaadkii aan soo dhaafnay gil gilay caasimada Biljimka ee Brasulss halkasi oo ay ku dhinteen 30 qof halka ay ku dhaawacmeen in ku dhow laba boqol oo qof

COMMENTS
Latest News