Hangoolnews.com
Xasan Xanafi oo Ku Eedaysnaa Dilalka Wariyayaasha horena loogu xukumay Dil Toogasho ah oo Mar Kale La Hor Keenay Maxkamada Ciidanka Somaliya
March 24, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–xassan xanafi Xaaji oo ku eedaynaa dilalka shan wariye oo lagu laayay gudaha dalka Somaliya isla markaana hore uga mid ahaa xarakda alshaab ayaa waxa maanta mar kale la hor keenay maxakmada darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee dalka somaliya,

Iyada oo hore maxkamadani dil toogasho ah ugu xukuntay hase yeeshe waxa ay qareenadii u doodayay Xasan Xanafi ka qaateen xukunka dilkaasi Racfaan waxaana maanta mar kale la hor keenay maxkmada iyada oo halkaasi laga akhriyey waxyaabaha ay xeer ilaalinta iyo markhaatiyayaashu ku soo cadeeyeen ,

Waxaana uu halkaasi ka qirtay Xasan Xanafi badiba dalalka wariyayaashaasi lagu soo eedeeyey iyada oo maxkamada ciidanka qalabka sida ee dalka somaliya markii dawcada la dhagaystay ka dib ku dhawaaqday in ay maxkmadu xidhan tahay isla mar ahaantaana mar kale dib la iskugu soo laaban doono,

Qareenada u doodaya eedaysane Xassan Xanafi Xaaji ayaa waxa makii uu qirtey qaybo ka mid ah eedahiisa ay xaakimka maxkamada ka codsaden in aan dilka lagu xukumin hase yeeshee loo khafiifiyo xukunka ay maxkamadu ku ridayso,

Halkan Ka Daawo

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News