Hangoolnews.com
“Ninka la Yidhaahdo Maxamed Ibraahim Qabo Horta Waa Nin Saaxiibkay ah Dagaalkii Baderna Waan Wada Galnay Markii Xisbiga Nalaga Qaadayay,” Faysal Cali Waraabe
March 24, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:–Gudoomiyaha  Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay soo dhawayn maalintii shalay ahayd uu magaalada Burco ugu sameeyey gudoomiyaha gobolka Togdhere Maxamed Ibraahim Qabo xili ay magaaladaasi gaadheen wafti ka socda Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid,

photo File Gudoomiye Qabo Iyo Gudoomiye Faysal

photo File Gudoomiye Qabo Iyo Gudoomiye Faysal

 Faysal ayaa waxa uu sheegay in aanu soo dhawayn gudoomiyaha gobolka togdheer oo hore xisbigaasi ucid uga mid ahaa hase yeeshee ay ku kulmeen Huteel plaza oo ku yaala Magaalada Burco,

Waxaanu faysal cali Waraabe Beeniyey warar sheegaya in uu gudoomiyaha gobolkaasi ku dhaweeyey gobolka togdheer kuwaasi oo ay warbaahinta qaarkeed qoreen,

Gudoomiyaha oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi,

“Horta ninka la yidhaahdo Maxamed Ibraahim Qabo horta waa nin saaxiibkay ah dagaalkii Baderna waan wada galnay markii xisbiga nalaga qaadayay,”

“Ninkii xisbiga ila soo dhiciyey ayuu ahaa markii la isku dayay In xisbiga nalaga qaado laakiin waxaan u sheegayaa raga wax ka dhigaya badhasaabkii Ucid weeye badhasaabku wuu ka dhexeeyaa awood qarran weeyi, xil qaran weeye, badhasaabka waajib waxa ku ah in uu sadexda gudoomiyeba soo dhaweeyo markay gobolkiisa imanayaan oo aanu xisbi isku suntin sidaasna weeye sharciyada aduunka lagu yaqaan,

Maantana namuu soo dhawayne Hotel Plazza ayaan ku kulanay laakiin se waxa weeye inaku xumaanta ayaynu faq faqnaa xumaantaan falnaa wanaaga ma sheegno warbaahintana dad noocaas ah ayaa jira ,”

 

Hangoolnews.com

Burco/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News