Hangoolnews.com
Mareykanka iyo Cuba oo weli uu dhex-yaallo khilaaf weyn oo dhinaca aragtida ah
March 24, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:– Mareykanka iyo Cuba, ayaa Waxaa u dhexeeya Weli kala aragti-duwanaan dhanka fikirka ah, iyadoo tani ay dibadda u soo baxday, kaddib kulan dhexmaray Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama oo booqasho ku jooga Havana iyo Madaxweynaha Cuba, Raul Castro.

Qodobbada ay sida aadka ah uga kala aragti-duwan yihiin labadan Dal, ayaa waxaa ka mid ah; Dimuquraadiyadda iyo Xaquuqul Insaanka. Wuxuuna Madaxweyne Obama sheegay in xidhiidhka u dhaxeeya labadooda dal uu gaadhi karo meel wanaagsan, haddii Xukuumadda Cuba ay horumarka ka sameyso dhinacyada siyaasadda iyo xaquuqul insaanka.

Madaxweynaha Xukuumadda Cuba, Raul Castro ayaa Dowladda Mareykanka ku eedeyay laba-wajiileynimo, wuxuuna si weyn ugu dhaliilay Mareykanka xayiraadda dhaqaale ee uu kusoo rogay dalkiisa, taasoo saarnayd muddo fog.

“Waxaad ii keentaa magacyada maxaabiista aad sheegaysaan inay siyaasad Cuba ugu Xidhan yihiin… Haddii aad keento – waxaa ballan ah inaan isla caawa xabsiga kasii dayno,” ayuu ka yidhi Madaxweynaha Raul Castro shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabateen isaga iyo Madaxweyne Obama.

Sidoo kale, Raul Castro ayaa ka dalbaday Barack Obama inuu gacanta Cuba kusoo celiyo saldhigga ciidanka Badda ee Guantanamo Bay, oo ku taalla Jasiiraddaas uuna Mareykanku u adeegsado xilligaan xabsi uu ku xidhan dadka looga shakiyo in ay ka tirsan yihiin kooxaha Islaamiyiinta ah.

Barack Obama ayaa dhankiisa shirka jaraa’id ka sheegay in Cuba ay horumarro waa-weyn ka gaadhay dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada, isagoo xusay in Mareykanka ayna ka aamusi doonin arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Cuba.

“Waxaa jira Farqi weyn oo inoo dhexeeya aniga iyo Madaxweyne Castro, kaasoo ah inaan ku kala Aragti-duwanahay – Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqda Aadanaha. Aniga iyo Castro waxaan yeellanay wada-hadallo ay daacadnimo ku dheehan tahay, kaasoo aan intiisa badan uga hadalnay arrimahan aan ku kala aragti-duwannahay,” ayuu hadalkiisa ku dara Obama.

Dhanka kale, Barack Obama ayaa xusay in dowladda Mareyknaku uu qirayo horumarka ay ku tallaabsatay Cuba, Laakiinse loo baahan yahay in is-bedello siyaasadeed ay la timaaddo Cuba, wuxuuse xusay in Mareykanka iyo dal kale aanu go’aan kama dambeys ah ka gaadhi karin mustaqbalka Cuba.

Ugu dambeyn, Inkastoo kala qayb-sanaan weyni ay dhex-taallo labadaan hoggaamiye ayaa haddana waxay sheegeen inay doonayaan inay ka wada-shaqeeyaan sidii loo hagaajin lahaa xidhiidhkooda, iyagoo sidoo kale shaaciyay horumarka ay ka gaadheen arrimahaas.

COMMENTS
Latest News