Hangoolnews.com
Xildhibaan Obama oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya in Xildhibaanada Kulmiye ay Wadaan Mooshin Xilka Lagaga Qaadayo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland
March 23, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnew:–Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland kana mid ah xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye oo Maanta Waraysi gaar ah siinayay Wariye Nagiib Dalmar oo ka mid ah hawl wadeenada Bulsho Tv ayaa waxa uu ka hadlay isla markaana beeniyey warar ay qoreen warbaahinta qaarkood kuwaasi oo sheegayay in kulankii ay shalay Maansoor Hotel ee magaalada Hargeysa kula yeesheen gudoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo xildhibaanada golaha wakiilada ugu jira xisbigaasi ay ka wada hadleen sidii loo hor keeni lahaa galahaasi mooshin ka dhan ah gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro,

Xildhibaan obama waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaasi isaga oo sidoo kalena iftiimiyey ujeedka kulankaasi ay xildhibaanada kulmiye la yeesheen gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,

Xildhibaanka oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi

“kulankaasi waxa uu ku saabsanaa sidii xisbiga loo dar dar galin lahaa doorasho ayaa soo dhow ujeedada ugu mihiimsan waxay ahayd sidii xisbiga looga shaqayn lahaa doorashadaana loogu diyaar garoobi lahaa taa golaha wakiilada iyo tan Madaxwaynahaba sidii xisbigu uga tashan lahaa taas ayuunbaa shalay bilaabantay kulamo kale oo joogto ahna waa lagaga hadli doonaa hadii alle yidhaahdo,”

“Wax allaale wax ka jiraa haba yaraatee ma jirto gudoomiyaha golaha wakiilada lama soo hadal qaadin mooshina lama soo hadal qaadin nin ku mashquulsan waxaas ma ihi anigu oo gudoomiyaha mooshin kusoo abaabulo talada lagaga qaadayo ma jiro lagamana hadal lagamana sheekayn waxaanan leeyahay wax alaale wax ka jiraan arintaasi ma jiro”

Ugu danbayn xildhibaan obama oo wax laga waydiiyey fariinta uu bulshada u diraayo eek u saabsan wararkaasi shalay la baahiyey waxa uu sheegay in arinta mooshinkaasi la sheegay aanay waxba ka jirin isla markaana bulshada Somaliland lagu wareerin warar been abuur ah.

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News